Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxda Xisbiyada oo Dhalliilay Baanka Adduunka & G/Wakiillada, Kana Hadlay Qodobbo Kale

MADAXAWEYNAHA SOMALILAND IYO LABADA GUDDOOMIYE EE UCID IYO WADDANI 2020
MADAXAWEYNAHA SOMALILAND IYO LABADA GUDDOOMIYE EE UCID IYO WADDANI 2020

Hargeysa(aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Waddani iyo UCIDCabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa si wada-jir ah  u sharraxay Aragtida Somaliland ee ku aaddan go’aanka uu Baanka Adduunku Deynta kaga cafiyey Soomaaliya oo aan lagu caddaynin doorkii ay Somaliland ku lahayd go’aankaas iyo xuquuqdii ay u lahayd in taladeeda wax laga weydiiyo oo u muuqata mid la duudsiyey.

MADAXAWEYNAHA SOMALILAND IYO LABADA GUDDOOMIYE EE UCID IYO WADDANI 2020
MADAXAWEYNAHA SOMALILAND IYO LABADA GUDDOOMIYE EE UCID IYO WADDANI 2020

Masuuliyiintani, waxay wax laga xumaado oo aanay filayn ku tilmaameen go’aanka Xildhibaannada Golaha Wakiilladu ku diideen inay ansixiyaan labada Xubnood ee ay guddiga doorashooyinka qaranka u xulseen Xisbiyada UCID iyo Waddani, kuwaas oo maanta codka aqlabiyadda ka waayey Golahaas. Sidoo kale, Madaxweynaha iyo labada Guddoomiye ee UCID iyo Waddani, waxay Bulshada Somaliland u direen farriin ay kaga digayaan Xanuunka safmareenka ah ee Covid-19.

Ugu horrayn Madaxweynaha qaranka iyo labada hoggaamiye ee axsaabta mucaaridka ah oo maanta saxaafadda kula hadlay xarunta qasriga madaxtooyada, ayaa meel adag iska taagay tallaabada uu Baanka adduunku ku duudsiyey kaalintii iyo taladii ay Somaliland ku lahayd deyn cafintaas, waxana ay caddeeyeen inay Somaliland tahay qaran madax bannaan oo xaq u leh in gaarkiisa loola macaamilo.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe oo arrinta deyn cafinta ka hadlay, ayaa sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya kala yihiin laba dal oo mid weliba arrimihiisa u madaxa bannaan yahay, islamarkaana haddii si dhab ah loo eegayo shuruudaha dhabta ah ee deymaha lagu bixiyo ay Somaliland xaq u leedahay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Haddii cid lacag la siinayo in Somaliland oo maanta nabadgelyo iyo horumar u baxday in la siiyo ayey ahayd, lacagtanna waxa loogu talo galay inay ku ololeeyaan yaryarkaa  Villa Soomaaliya qabsaday. markaa in dadka loo dhuubo oo la waalo ma aha, lacagtaas waxannu leenahay Somaliland wixii la siinayo laba dal oo isu tegay baynnu ahayn oo mid wuu dhisan yahaye in waxayaga saami naloo siiyo ayey ahayd.”

Guddoomiye xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan  Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa isaguna dhiciisa caddeeyey inuu baanka adduunku ka leexday dariiqii saxda ahaa ee dunida inteeda kaleba kula macaamisho Somaliland oo ah sidii dal u madax-bannaan arrimihiisa masiiriga ah, waxana uu yidhi,  “Sida madaxweynuhu sheegay waxaynnu isku raacsannahay in Somaliland yihiin laba dal oo jaar ah oo walaalo ah, Baankana waxannu leenahay waxa ku  waajib ah inuu ula kala dhaqmo Soomaaliya iyo Somaliland, Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliyana 1991-kii baa isugu dambaysay wax-isugu-jirkoodii, inkasta oo aynaan helin ictiraaf, haddana dunidu waxay inoola dhaqantaa Somaliland ahaan, waxannu doonaynaa inuu Baankuna Somaliland ula dhaqmo Somaliland, wixii la siinayona toos loo siiyo oo aan cidna loo soo marin.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa  hoosta ka xarriiqay inay Somaliland tahay dal madax-bannaan oo gaarkiisa u taagan, waxana uu Baanka adduunka u diray  farriin uu ku caddaynayo in deymaha Soomaaliya laga dhaafay aanay ahayn wax u yaalla Somaliland, waxana isaga oo arrintaas ka hadlaya uu yidhi,  “Baanka Adduunka waxanu leenahay labadaas dawladood ee 1960-kii isu tegay ee 1991-kiina kala baxay mid walba sideeda iyo gaarkeeda ayaa loola macaamilayaa, Somaliland haddii la leeyahay kuma ictiraafsanin  oo kula macaamili maynno, Soomaaliya waxa aad ka dhaafteen iyo waxa u qabanaysaan idinka ayey idin taallaa, annaguse Somaliland baannu nahay, wixii nalagala hadlayo annagaa nalagala xaajoonayaa oo naloo soo marin maayo cid kale, madax-bannaannida iyo ictiraafkaad sheegaysaan waa kaannu ka baxnay ee ka dagaallanay ee aannu goonida u joogno ee aannu dawladda ka dhisannay.”

Dhinaca kale, madaxweynaha iyo labada hoggaamiye xisbi-mucaarid waxa ay bulshada reer Somaliland si wada jir ah ugu direen farriin faahfaahsan oo ku saabsan ka hortagga caabuqa COVID-19, waxana ay kula dardaarmeen in ka hortaggu yahay tallaabada kaliya ee xanuunkaas bulsho ahaan lagaga badbaadi karo.

Sidoo kale, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaamiyayaasha axsaabta mucaaridku waxa ay ka dareen celiyeen diidmadii ay maanta golaha wakiilladu kala hortageen labadii xubnood ee ay axsaabta mucaaridku usoo magacaabeen komishanka doorashooyinka qaranka, waxana ay sheegeen inay tallaabadaasi ahayd mid aan loo fadhiyin oo lama filaan noqotay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa tilmaamay inay golaha wakiilladu ku ixtiraaman yihiin go’aannadooda, balse ay maanta la joogo waqtigii wada-jirka iyo isku-duubnida, qaranku aannu diidmadaas u filaynin, waxana  uu yidhi, “Golaha wakiilladu waa sharci oo way madax-bannaan yihiin, go’aankoodana iyagaa xor u ah, sharciyan baannu taas u arkaynaa, waanna aqbalaynaa wixii ay soo saareen oo ma diiddanin, laakiin talada dalka iyo danta dalku maanta waxa  ay ku jirtaa inaynu is wadanno, Komishanka dhibtiisu waxa uu ina gaadhsiiyey laba sano iyo dheeraad, wejiyaal badan buu lahaa, khilaaf badan baa ka jirey, weynu soo af-jarnay. Iyada oo dalku maanta midaysan yahay oo wax walba laga heshiiyey oo xisbiyadii mucaaridka ahaa la oggolaysiiyey inay labadii keenaan oo ay ahayd inaynnu midnimada u dhaqaaqno oo aynnu doorasho higsanno, midnimada iyo wada-jirka dalkuna ku jireen maanta inay ansixiyaan labadaas xubnood, arrintaasi maanta kammaannu filayn, qarankuna kama uu filayn, sabab loo soo celiyo nimankaas, waase gole oo waa u xor wixii uu gaadhay,” Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu sheegay in arrintaas talo la isaga noqon doono, axsaab, xukuumad iyo wakiilloba, islamarkaana uu ku han weyn yahay in lasii ambo qaadi doono geeddi-socodka loogu jiro sidii ay doorashooyinku ugu qabsoomi lahaayeen waqtigooda.

Muuqaalkan Hoose ka Daawo Qodobbada ay Madaxweynaha iyo labada Guddoomiye ka hadleen:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.