Somaliland: Sugnaanasha 60 Qof oo Xukuumaddu Huteel Ku Karantiintay iyo Qorshe Xumo weli Jirta

Hargeysa(Aftahannews)- Xukuumadda Somaliland, ayaa karantiishay ku-dhowaad 60 Qof oo ka soo degay Gegida diyaaradaha Hargeysa labadii maalmood ee u dambeeyey, kuwaas oo la geeyey goobo loogu talo-galay dadka looga cabsi qabo Caabuqa Coronavirus ee ka yimi dalka dibaddiisa.

Weriye Nuuradiin Col-u-joog oo ka tirsan Telefishanka Universal, ayaa xog-warran la yeeshay mid ka mid ah dadka karantiinka la geliyey oo cabasho ka muujiyey qaabka loola dhaqmay iyo goobaha lagu karantiimeeyey.

Muuqaalka Hoose ka daawo Xog-waraysi lala yeeshay mid ka mid ah dadkan oo lagu magacaabo Xirsi Ducaale oo ah muwaadin u dhashay Somaliland oo ka yimi dalka Ingiriiska shalay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.