Soomaaliya oo Qofkii 3aad Covid-19 laga Helay iyo Tirada Dadka uu Soo Ritay Dunida oo Xadhkaha Goosatay

PEOPLE EFECTED CORONAVIRUS COVID-19 IN HOSPITAL.jpg
PEOPLE EFECTED CORONAVIRUS COVID-19 IN HOSPITAL.jpg

Muqdisho(aftahannews):- Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa xaqiijiyay in Shaqaale ka mid ahaa Qandaraaslayaasha ka hawlgalla Xerada Xalane ee Muqdisho laga helay Cudurka Coronavirus COVID-19, kaas oo ah Qof ajaanib ah, isla markaana Qofkii saddexaad ee xanuunka laga helo Soomaaliga gudaheeda noqonaya.

PEOPLE EFECTED CORONAVIRUS COVID-19 IN HOSPITAL.jpg
PEOPLE EFECTED CORONAVIRUS COVID-19 IN HOSPITAL.jpg

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Drs. Foosiya Abiikar Nuur, ayaa sidoo kale xaqiijiyay kiiskaas, waxaanay sheegtay inuu yahay Shaqaale ajnebi ah oo soo maray waddamo uu Cudurku ka jiro, isla markaana si aad ah ugu fiday.

Qofka laga helay Cudurka, ayaa ku jiray Karantiil 8 maalmood ka hor ogaanshaha cudurka, waxaana uu noqday qofkii ugu horreeyay ee ay kasoo muuqdeen caalamadaha  xanuunku, marka loo eego labada Qof ee ka horreeyey oo Soomaali ah oo uu Qofkii saddexaad Ninkani ku noqonayo.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Marwo Foosiya, waxay sheegtay in Dalka dibeddiisa lagu soo xaqiijiyay natiijada baadhitaanka, isla markaana Dowladdu aanay weli ku guulaysan inay hesho Qalabka Sheybaadhka lagu baaro Cudurkaan.

Tirada Dadka uu Cudurka Coronavirus Covid-19 ku dhacay Dunida oo dhan, ayaa haatan maraysa 590,287, halka ay Dhimashadu marayso 26,945 guud ahaan dunida caawa oo ay bisha March 28 noqonayso, iyadoo warbixinta ugu dambeeyey ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO intaas ku darayaan in Dadka ka soo kabtay ee xanuunku ku dhacay tiradoodu tahay 132,447, inta hadda Cusbitaallada dunida u jiifaana tahay 430,895.

Ma istaagin Xanuunku, ee marba marka ka dambaysa waxa sii kordhaya Dadka uu soo ridanayo, inta u dhimanaysa iyo tirada Dalalka uu ku fidayo oo hadda ah ku dhawaad Laba Boqol oo Waddan oo Shanta Qaaradoodba leh.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.