Xukuumadda Oo Bilaabaysa Libsashada Raashinka Waddaniga

Filed under: Wararka |

Hargeysa, (Aftahannews)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in ay iibsanayso dhammaan raashinka waddaniga ah ee ka soo go’ay beeraha dalka, kaasi oo ay sheegtay in uu ka mid noqon doonaa keydka raashinka qaranka.

Kulan ay yeesheen golaha wasiiradda Somaliland oo ka qabsoomay qasriga madaxtooyada , ayaa lagu lafo-guray ka hortaga xanuunka saf-mareenka ah ee Coronavirus, sidii loo libin laabi lahaa dedaalka xukuumad iyo shacbi ahaan loogu jiro ka hortagiisa, kaasi oo ay qayb ka tahay in qaranku helo kayd dhammaystiran oo dhinaca raashinka iyo daawada ah .

You must be logged in to post a comment Login