Mareykanka Oo Dhaqaale Lacageed Dul-dhigay Madaxweyne Xil Haya

Washintong, (Aftahannews)-Mareykanka ayaa dacwad ku soo oogay madaxweynaha waddanka Venezuela, Nicolás Maduro iyo saraakiil sar sare uu u dhashay dalkaas, kuwaasoo uu ku tilmaamay inay yihiin “argagixisanimo dhinaca daroogada ah”.

Siyaasiyiintan ayuu Mareykanka ku eedeeyay inay dalkiisa ku harqiyaan maandooriyaha loo yaqaanno cocaine-ta, ayna daroogada hub ahaan u isticmaaleen si ay ugu waxyeelleeyaan caafimaadka dadka Mareykanka ah.

Dacwdahan waxaa ku dhawaaqay xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka William Barr. Abaalmarin lacageed oo gaareysa $15milyan oo doolar (£12.5m) ayaa loo ballan qaaday qofkii keena xog horseedysa in lasoo xidho Mr Maduro.

Tallaabadan uu Mareykanku qaaday ayaa sii xoojineysa xiisadda u dhaxeysa labada dal.

Xukuumadda Washington ayaa muddo dheer ku eedeyneysay madaxweynaha Venezuela inuu horkacayay waxa ay ugu yeertay “xukuumad musuqmaasuq iyo arxan darro ku dhisan”, iyadoo arrintaasna ay dowladda Mr Maduro marar badan gaashaanka u daruurtay.

Wuxuu Mareykanku taageeraa hoggaamiyaha mucaaradka ee Venezuela, Juan Guaidó, oo sanadkii hore si iskiis ah ugu dhawaaqay inuu yahay madaxweyne ku meel gaar ah.

Dacwadahan ayaa sii adkeynaya cadaadiska xooggan ee uu Mareykanku saarayo Mr Maduro, isagoo horayna ugu soo rogay cunaqabateyno ka dhan ah wax soo saarka saliidda Venezuela.