Dawladda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Qofkii Saddexaad Oo Laga Helay Xannuunka Coronavirus

Muqdisho (Aftahannews)- Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in shaqaale ka mid ahaa qandaraaslayaasha ka howlgalla xerada Xalane laga helay cudurka coronavirus (COVID-19).

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Drs. Fowsiyo Abiikar ayaa sidoo kale xaqiijiyay kiiskaan, iyadoo sheegtay inuu yahay shaqaale ajnebi ah oo soo maray waddamo uu cudurka si aad ah ugu faafay.

Qofka laga helay cudurka ayaa ku jiray karantiil sideed maalmood kahor ogaanshaha cudurka, waxaana uu noqday qofkii ugu horeeyay ee ay kasoo muuqdeen caalamadaha cudurka, marka loo eego saddexda qof ee xanuunka laga helay gudaha Soomaaliya.

Wasiirka caafimaadka waxay sheegtay in dalka dibadiisa lagusoo xaqiijiyay natiijada baadhitaanka islamarkaana dowladda aysan weli ku guulaysan inay hesho sheybaadhka lagu baadho cudurkaan.