Ciyaartoy Muslim Ah Oo Ka Soo Kacay Koomo Uu Saddex Sannadood Ku Jiray

Xiddiga Muslimka ah ee kooxda Ajax ee Abdelhak ‘Appie’ Nouri  ayaa kasoo baxay koomo uu ku jiray muddo laba sannadood iyo sagaal bilood ah oo ay dhakhaatiirtu kula tacaalayeen xaalado adag oo geeri iyo nolol u dhexeeyey oo uu cusbitaalka ugu jiray.

Abdelhak ‘Appie’ Nouri ayaa garoonka ku dhex-dhacay iyadoo ciyaartu socota markii uu kusoo booday wadne-xanuun sababay inay si fiican u shaqayn waayaan xiddidada dhiigga siiya maskaxda, waxaana markiiba soo gaadhay dhaawac dhinaca maskaxda ah oo sababay inuu halkaas koomo ku galo, waxaana garoonka laga dhex-qaaday July 2017 iyadoo la moodo meyd oo nolol iyo geeri midna lagu ogeyn.

Laacibkan khadka dhexe ee reer Netherlands oo asal ahaan kasoo jeeda waddanka Moroco ayaa waxa ay kooxdiisa Ajax gashay murugo, waxaanay ciyaartoydii garoonka ku jiray isku dareen oohin ay ilmadu istaagi weyday, inkasta oo la amray inay ciyaarta kusii jiraan.

Dhakhaatiirta Netherlands ayaa ku sameeyey qalliin dhinaca maskaxda ah, waxaana hadda la sheegay in uu ciyaartoygani kasoo baxay koomada uu ku jiray muddada labada sannadood iyo sagaalka bilood ah.

Walaalka ka weyn Abdelhak Nouri oo ka hadlay xaaladda farxadda leh ee soo kabasho ee laacibkan ayaa waxa uu sheegay inuu hadda bilaabay inuu cuntada cuno, hurdada seexdo, laakiin uu wali diciif yahay oo uu liito.

“Muddo dheer guriga ma joogin, laakiin hadda ayaanu halkaas u qaadnay. Waa waajib inaan sheego in ilaa intii uu guriga joogay inuu aad uga fiicnaanayay sidii markii hore ee uu cusbitaalka ku jiray.” Ayuu yidhi Walaalka ka weyn Nouri oo la hadlay website-ka laga leeyahay waddanka Netherlands ee AD.