Dawladda Soomaaliya Oo Dhakhaatiir U Diraysa Dalka Talyaanniga

Muqdisho (Aftahannews)- Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay Talyaaniga u direyso labaatan dhaqtar oo ka caawiya dagaalka uu dalkaas kula jiro cudurka Coronavirus.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Ismaaciil Mukhtaar Oronjo ayaa wakaaladda wararka ee Anadolu u sheegay maanta in dhaqaatiirtan ay yihiin mutadawiciin ka tirsan Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.

“20 dhaqtar oo ka tirsan Jaamacadda Umadda ee Muqdisho ayaa iska diiwaan geliyey safaaradda Talyaaniga, waxayna aadi doonaan dalkaas, si ay gacan uga geystaan dagaalka ka dhanka ah Coronavirus,” ayuu yidhi Ismaaciil.

Waxa uu sheegay in dhaqaatiirtaas loo dirayo inay ka jawaabaan codsiga dowladda Talyaaniga ee ah in caawimaad la siiyo, islamarkaana ay hadda diyaar yihiin oo ay sugayaan diyaarad khaas ah oo qaadi doonta.

Hay’adda Bad-baadada Bulshada ee Talyaaniga ayaa Khamiistii xaqiijisay dhimashada 712 qof oo kale oo cudurkaas u dhintay, taasi oo tirada guud ka dhigeysa 8,215 qof.

Dhinaca kale, Wasiirka caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur ayaa maanta xaqiijisay in qofkii seddaxaad oo Muqdisho ku sugan aga helay cudurka Coronavirus.

Wasiir Fowziya ayaa sheegtay in cudurkaas laga helay qof ajanebi ah oo ka tirsan shaqaalah xaafiiska Qaramada Midoobey ee Muqdisho, kaas oo ka howgelayey xarunta UN-ka ee Xalane.