Ra’iisal-wasaaraha Dalka Britain Boris Johnson oo Laga Helay Corona-virus, Karantiinna Is-geliyey

Boris Johnson Ra'iisal-wasaaraha Britian oo laga helay Cudurka Corona-virus Covid-19
Boris Johnson Ra'iisal-wasaaraha Britian oo laga helay Cudurka Corona-virus Covid-19

London(Aftahannews):- Ra’iisal-wasaaraha Dalka Britain Boris Johnson, ayaa laga helay Cudurka Coronavirus Covid-19 ee dunida sida xawliga ah ugu fidaya, sida uu ku xaqiijiyey qoraal uu soo saaray oo Warbaahinta caalamku baahisay.

Boris Johnson Ra'iisal-wasaaraha Britian oo laga helay Cudurka Corona-virus Covid-19
Boris Johnson Ra’iisal-wasaaraha Britian oo laga helay Cudurka Corona-virus Covid-19

Ra’iisal-wasaare Boris Johnson, ayaa sidoo kale sheegay inuu is-geliyey karantiin iskiis ah, balse uu sii wadi doono inuu hoggaamiyo dalka iyo jawaabta ay dowladda ka bixineyso faafitaanka cudurkan.

Afhayeen u hadlay Xafiiska Ra’iisal-wasaaraha ee UK looga taliyo ee Downing Street, ayaa sheegay in Johnson oo 55 jir ah uu astaamo fudud isku arkay Khamiistii, ka dib markii uu ka jawaabay su’aalaha toddobaadlaha ah ee Ra’iisal-wasaaraha lagu weydiiyo Baarlamanka.

“24-kii saac ee lasoo dhaafay, waxaan isku arkay astaamaha, waxaana la iga helay Coronavirus. Hadda, si iskey ah ayaan isku go’doominayaa, balse waxaan sii wadi doonaa jawaabta dowladda ee cudurkan, aniga oo adeegsanaya shirarka lagu qabto video-ga, innaga oo la dagaalameyna fayruskan.” sidaa ayuu yidhi Ra’iisal-wasaaraha Britain Boris Johnson.

Illaa iyo hadda ma cadda tirada shaqaalaha xafiiska Downing Street iyo wasiirada sare ee is-karantiili doono, maadaama qaar badan oo ka mid ah ay xiriir la sameeyeen Johnson maalmihii ama toddobaadyadii dhowaa.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.