Cali-Guray: “Wasiirrada Laftoodu Maaha inay ku Mashquulaan Majilisyada lagu Qayilo…”

Hargeysa, (Aftahannews)- Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray) oo kamid ah haldoorka reer Somaliland ayaa ka Hadlay sida xukuumadu iyo gudida loo xil saaray ka Hortaga xanuunka coronavirus ugu hawlan yihiin Awaamiirta lagu Xakamaynayo caabuqani si aanu usoo galin shacabka somaliland kaasi oo si xawli ah ugu faafaya dunida.

Sidoo kale, Cali Guray ayaa soo jeediyay talooyin dhaxal gal ah oo looga baahan yahay in bulshada kawada qayb qaadato wacyi galinta loogu jiro ka hortaga caabuqa coronavirus.

Siyaasi cali guray ayaa qoraal uu arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

MAXAAN TALO MEEL KA DEYAY!!

“Jaadka Marka aynu eegno taariikhda jaadka laba goor ayaa la isku deyay in dalka laga joojiyo oo midna laguma guulaysanin. Mar xiligii Ingiriiskii ayay ahayd oo baabuurka lagu qabto badda ayaa lagu ridi jiray. Marna xiligii Siyaad Barre ayay ahayd oo wuxu sababay burburkii ugu waynaa ee ciidankii Siyaad Barre oo kuligood wada jaadle iyo dhul jiif noqday, saraakiisha ayaana ugu sii darnayd oo qorshe gaar ah ku qaadan jiray soo gelinta jaadka. Cidda ka faaiiday waxay ahayd uun SNM. Gaadiidka ugu badnaa ee SNM ay u adeegsan jirtay dagaalku waxay ahaayeen Tiyootayaashii 4WD ahaa ee jaadlayaashii Itoobiya iyo Kenya jaadka ka soo qaadi jiray.

Dawladdu marka ay majlisyada jaadka bartimaameedsanayso waa sax oo waxa looga jeeda kala durugga bulshada ( ( social distancing) ee waxan filayaa in aanay uga jeedin meel mafrash ah lama fadhiisan karo. Waxay ka tagtay marka horeba inay xadiddo tirada ugu badan ee dad ah ee la ogol yahay inay goob ku kulmi karaan. Ama mafrash, makhaayad, goob caways, xaflad ilaa tacsi kii ay noqotoba markaa waa amar guud. Laakiin sadex nin oo goob ku wada qayilaya maaha sax in la yidhaa mafrash baa laga soo qabtay oo amarkii bay jebiyeen.

Tan kale Somaliland Ilaahay isagu ha ka nabadgeliyo cronoviska ah waa dal yar oo sabool ah owoodna uma laha ay kula dagaalami karto cudurkan kuwii awoodda is bidayay ayaynu arkaynaa halka uu la marayo markaa in Ilaahay loo noqdo oo laga Alleh baryo ayaa waajib inagu ah Ilaahayna inoo keeni maayo Insha Alleh ee yaan loo baqan tawkalana ha la ogaado waa Alleh Weheshi adoon Allihiisa wehesheday oo isaga magangalay wuu ka bedbaadinayaaye.

Somaliland inay xuduudaha dalka laga soo gelo oo dhan muddo xaddidan ay dawladdu xidho waa loo baahan yahay. Madaarka Hargeysi waa ka mid xuduudaha dalka laga soo galo waanu furan yahay sida la ii sheegay. Waxan filayaa hadii maalin kasta Ethiopian Airline ay 200 oo qof keento in xataa aanay jirin goobo karantiimo oo ku haboon oo adeegyadii loo baahnaana ay diyaarsan yihiin. Ilaa iyo hadda ma jiro wax ka badan xummadda qofka oo la eego oo lagu hubin karo (shaybaadh) xanuunka COVID-19, kolay ilaa inta aynu ognahay ee la inoo sheegay. Xummadda qofka oo kacsani ma xaqiijinayso in sababtu ay tahay Coronavirus.

Ka hortagga faafista xanuunkan inta ugu badan ayaa markaa ku xidhan dadaal wada jira oo loo wada dhan yahay. Hargeysa oo magaalada ugu wayn dalka ah waa in loo qaybiyo zones dadkana si xoogan loo abaabulo oo xataa kooxo mutadawiciin ah (volunteer groups) la sameeyo oo iyagu kaaba adeegyada caafimaad (National Health Service) ee heerka qaran ilaa salka ugu hooseeya. Taasina waa muhiim oo dadku iyaga ayaa isku tashan kara waayo xaafad kasta waxay leedahay dhalinyaradii, odayaashii, ganacsatadii, aqoonyahankii iyo dumarkeedii, kuwaas oo markaa kaalmohooda ka wada qaadan kara hawlaha ka hortagga faafista COVID-9. Markaa arinku kuma dhamma guddi Wasiirka ah ee waa in hoos loo daadajiyo. Wasiirada laftoodu maaha inay iyagu ku mashquulaan majlisyada lagu qayilo hawlo ka culculus iyo taakulaynta, isku xidhka iyo weliba inay kaalmo u raadiso oo ka raadiso cid kasta ayaa looga fadhiyaa.

Tolow kuwan Imaaraadka Carabta ee deked iyo madaarba aynu ku wareejinay wax kaalmo ah sida “Field Hospital” u gaar ah daawaynta Coronavirus oo ay dalal kaleba ku caawiyeen inagana may inna siin mise waxay iyagu gartaan mooyee xaqba uma lihin in aynu inagu wax waydiisan karno.

WAXA QORAY; SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF (CALI-GURAY).