Ciyaaryahan Ka Tirsanaa Kooxda Real Madrid Oo Jilaa Noqday

Ciyaartoyda kubadda cagta ciyaara qaarkood ayaa leh hibooyin iyo xirfado kale oo ka baxsan tan lagu bartay, waxaana jira ciyaartoy noqday jilaa ama ka soo muuqday aflaam.

Royston Drenthe ayaa markan u jeestay dhanka jilliinka, waxaana uu door wacan ka qaatay filim ku saabsan burcadda iyo ka ganacsiga daroogada loo yaqaano kookiinta (cocaine).

Xiddigga ku fashilmay kooxaha Real Madrid iyo Everton ayaa si layaab leh uga fadhiistay ciyaaraha kubadda cagta, isagoo jira 29 sano si uu u billaabo xirfaddiisa heesaha raabka.

Drenthe ayaa hadda ka soo muuqan doona musalsalka laga leeyahay dalka Netherlands ee Mocro Mafia, kaasoo uu ku matalayo inuu ka mid yahay saddex saaxiibbo ah oo dunida la soo galaya dambiyo waa weyn.

Ciyaaryahankii hore ee Los Blancos ayaa bartiisa Instagram-ka ku shaaciyay inuu ka soo muuqan doono musalsalka Mocro Mafia muddo uu sugayay kaddib“Aad ayaan u xiiseynayay ka mid noqoshada musalsalka, waana sugi la’ahay inaan daawadayaasha ku madaddaaliyo doorkeyga.” ayuu Drenthe ku soo qoray bartii Instagram-ka.