Idaacadda BBC Soomaali ee Caawa iyo Caalamka oo la Xidhayo iyo Sababta Keentay Go’aankan

Nairobi, (Aftahanews) – Tifaftiraha Laanta Af Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da Muxiyadiin Axmed Rooble, ayaa sheegay in qorshe guud oo dib loogu qaabaynayo Idaacadda la hadasha dibedda ee (BBC World Service) oo ay ku jirto qaybta Soomaaliga ee  9:00 Habeenimo ee Caawa iyo Caalamka in la xidhi doono, isla markaana la furi doono Barnaamijyo kale oo la jaanqaada xiligan casriga ah ee digital.

Muxiyadiin Axmed Roobe, ayaa arrintaas ka sheegay BBC-da, waxaanu uu yidhi; “Go’aankani waxa uu qayb ka yahay qorshe guud oo BBC-da dibada la hadasha dib loogu qaabaynayo iyadoo la xidhayo idaacado iyo barnaamijyo tobanaan sano soo jiray, waxay BBC-du qorshaynaysaa barnaamijyo iyo hanaan warbaahineed oo la jaanqaadaya xiligan casriga ah oo digital ah,” ayuu yidhi Muxiyadiin Axmed Rooble, Tifaftiraha BBC Somali.

Waxaanu intaasi ku daray “Waxay qorshaynaysaa barnaamjiyo cusub iyo hanaan la jaanqaada dunida casriga ah iyo tignoolayadiyada la gaadhay.  Waaxa isku soo beegmay xiligii loo qorsheeyey fulinta go’aaankaasi iyo aniga oo BBC-da Somali Tifaftire ka noqday, waxaana ka mid ah idaacadaha go’aankani saamayn doono qaybaha BBC-da Ee Afrika la hadasha iyo qaybta Sawaaxiliga iyo Idaacado kale, waxaanu dhaqangalayaa go’aankani habeen dambe Jimcaha,” ayuu yidhi Tifaftiraha Laanta AfSoomaaliga Ee BBC-da.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.