Waddani oo Gudbiyey Dalab uu Kaga Soo Horjeedo Imaanshaha Ethiopian Airlines

Hargeysa, (Aftahannews)- Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa ka hadlay qaabka ay Xukuumada Muuse Biixi ay ugu diyaar-garoobeyso ka hortaga cudurka dunida faraha ba’an ku haya ee Coronavirus iyo duulimaadyada diyaarada Ethiopian Airlines.

Waddani ayaa sheegay in qaabka ay Xukuumada Biixi u maareynayso ka hortaga cudurkaasi uu ka muuqdo wer-wer aad u weyn, midaasi oo uu ku micneeyay inay tahay khatar aan laga soo kaban karin.

Khadar Xuseen Cabdi, Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani, oo arrimahaasi ka hadlayey ayaa waxa uu Xukuumada ka dalbaday inay gebi ahaanba deg-deg u joojiso duulimaadyada ay diyaarada Ethiopian Airlines ku timaado madaarka magaalada Hargeysa.

Waddani ayaa qaba in duulimaadyada Ethiopian Airlines ay Somaliland ku yihiin halis weyn oo u baahan in si deg-deg ah looga hortago, maadama ay tagto wadamo uu ka jiro fayruska Corona, kaasi oo ka dhigan in gudaha deegaanada Somaliland ay usoo xambaari karto cudurkaasi.

Xoghaye Khadar oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Wer-wer aad u weynaa ayaa ka muuqda, sida illlaa hadda Xukuumaddu uga diyaar-garowgday ka hor-tagga Coronavirus. Xukuumaddu waxay soo saartay Go’aano aynu kuligeen wada taageernay, shacabkuna uu soo wada dhaweeyay, laakiin iskuulladii oo la fasaxay mooyaane go’aannadii kale sidii la rabay weli uma fulin”.

“Arrimaha qaar haddii aad ku fashilanto waad ka soo kaban kartaa oo dhibaato malaha, laakiin haddaynu diyaar-garowga khaladno oo khatartu siday tahay u arki wayno oo sida ay tahay inaynu uga diyaar-garowno aynu uga diyaar-garoobi wayno way adag tahay inaynu ka soo kabano”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaanu soo jeedinaynaa in si deg-deg ah loo joojiyo diyaaradda Ethiopian Airlines, aqoonsi ma siddo Ethiopian Airlines, waxa laga yaabaa inay Covid-19 inoo siddo, dawladdu waa inay sheegtaa kharash cayiman oo ay ugu talo-gashay Xanuunkan la dagaalankiisa iyo Kharashkaa siday u isticmaalayso”.

“Waxaynu u baahan nahay Qalab Caafimaad maxaa inoo yaalla, maxaa inoo soo socda Qalab Caafimaad oo Xukuumaddu inoo dirtay, Xukuumaddu waa inay sheegtaa halkay ku yaallaan Xarumaha Dadka lagu karantiilayo, dadka Danyarta ah sidee loo taageerayaa, waxa jira Dad badan oo danyar ah oo Xanuunkan Walaac ka qaba”.

“Xukuumadda waxa la gudboon inay Maalin kasta Dadka War siiso, Waayo? Xukuumadaha dunida markaad eegto Xukuumad walba Maalin walba Dadkeeda War bay siinaysaa, markaa waa inay uga warranto halkay wax marayaan, waxay qabteen iyo hawlaha ay ku jiraan, Waayo? Ku celcelinta lagu celcelinayaa waxay Dadka fahamsiinaysaa khatarta Xanuunka” ayuu sidoo kale yiri Xoghaye Khadar.

Xoghayaha ayaa ugu dambeyntii sheegay in Xisbigooda oo ka qeyb qaadanaya daadalada loogu jiro ka hortaga fayruska Corona uu gebi ahaanba joojiyey isku imaatinkii iyo shirarkii uu xisbigu lahaa, madaama uu cudurkan fursad uu ku faafo u yahay isku imaatinka dadka badan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.