Dalka Keliya Ee Yurub Ee Aan Ka Werwersanayn Coronavirus

Hargeysa, (Aftahannews)-Qaaradda Yurub hadda waxay xudun u noqotay xanuunka corona, balse waxaa jira dal katirsan qaaradaas oo aan ka walwalsaneyn xanuunka faraha ba’an ku haya adduunka.

Dowladda dalka Belarus, ma aysan soo rogin wax tallaabo ah oo looga hortagayo xanuunka, waxaana uu qaaday wado ka duwan tallaabooyiinka ay qaadeen dalalka deriska la ah sida Ruushka iyo Ukraine.

Dalka Ukraine oo xuduud ay wadaagaan waxaa la filayaa in ay ku dhawaaqdo xaalad degdeg ah, dhanka Ruushka, waxaa la xidhay dhammaan iskoollada, waxaana la baajiyay kulamada dadweynaha, sidoo kalena waxaa la hakiyay duullimaadyadii caalamiga ahaa; Laakiin dalka Belarus waxwalba waa cadi oo sidoodii ayay u socdaan.

Xuduudaha way furan yihiin, dadku sidii caadiga ahayd ayay u shaqo tagaan, waxbarashadana waa loo dareeraa, mana jirta wax cabsi oo laga qabo xanuunka.

Madaxweynaha dalkaas Belarus, Alexander Lukashenko, ayaa sheegay in aysan jirin sabab loo sameeyo tallaabooyiin looga hortagayo faafidda xanuunka corona.

Madaxweynaha ayaa mar uu la kulmayay safiirka Shiinaha ee dalkaas u fadhiya wuxuu sheegay in waxa ugu muhiimsan ee ay tahay in dadka aysan qalqalin.