Dhaxal-Sugaha Dawladda Boqortooyada Ingiriiska Oo Uu Ku Dhacay Xanuunka Coronavirus

London (Aftahannews) – Amiirka Wales ayaa baadhitaan lagu sameeyay lagu ogaaday in uu qabo xanuunka coronavirus, sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay Aqalka Clarence.

Amiir Charles, oo 71 sanno jir ah, waxaa lagu arkay astaamaha Covid-19 oo iska yara fudud “balse xaaladdiisa caafimaad way wanaagsan tahay,” ayuu yidhi afhayeen u hadlay.

Xaaskiisa oo 72 sano jir ah ayaa sidoo kale la baaray, waana laga waayay fayraska.

Aqalka Clarence wuxuu sheegay in Charles iyo Camilla ay hadda is karantiileen Gurigooda Balmoral. Waxaa intaa lagu daray in Amiirka uu ka soo shaqeynayay guriga maalmihii la soo dhaafay.

Warka qoraalka ah waxaa lagu yidhi: “Iyadoo la raacayo talada dowladda iyo adeegyada caafimaadka, Amiirka iyo xaaskiisa waxay isku go’doominayaan gurigooda ku yaalla Scotland.

“Ma cadda weli qofka uu Amiirka ka qaaday fayraska iyadoo ay jirto in uu shaqo culus oo la xidhiidha doorkiisa uu qaaday toddobaadyaddii la soo dhaafay.”