Bankiga Adduunka Iyo Hay’adda Lacagta Oo Shaaciyay Inay Soomaaliya Heli-doonto Deyn

Muqdisho (Aftahannews)-Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Ururka Horumarinta Caalamiga ee Bangiga Adduunka ayaa go’aamiyay in Soomaaliya ay qaaday tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay u bilowdo helitaanka deyn hoos imaaneysa Kobcinta Waddamada ku jira saboolminada aadka uliitada.

Soomaaliya waa dalka 37aad ee gaadha horumarkan, oo loo yaqaan HIPC. Gargaarka deynta ayaa ka caawindoona inay Soomaaliya isbedel waara u hesho dadkeeda, sida lagu yidhi warbixinta labada hay’addood ay siidaayeen.
Sida bayaanka lagu xusay, Soomaaliya marka ay soo gaadho qiimaynta HIPC ee ku dhawaad saddex sano kadib, waxay fursad u helidoontaa in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay islamarkaana waxaa bulshada caalamku dib u furi doontaa marin u helista ilo dhaqaale oo dheeraad ah oo lagu xoojinayo dhaqaalaha dalka, gacan ka gaysato hagaajinta xaaladaha bulshada iyo kor u qaadista shaqo abuurka Soomaalida.
“Waxaan soo dhoweyneynaa dadaalka Soomaaliya ay ugu jirto soo celinta xasilloonida, la shaqeynta kuwa amaahda leh, iyo qaadashada istiraatiijiyad yareynta saboolnimada,” ayuu yiri Madaxweynaha Bangiga Adduunka David Malpass. Dib ugu soo noqoshada maalgelinta joogtada ah ee Soomaaliya waa astaan muhiim ah, waxaana rajeyneynaa horumar dheeri ah oo dhanka dhaqaalaha iyo bulshada ah. ”


“Waxaan jeclaan lahaa inaan ugu hambalyeeyo dowladda Soomaaliya dadaallada badan ee ay ku tilaabsatay sannadihii la soo dhaafay ee keenay dhacdadan muhiimka ah,” ayay tiri Kristalina Georgieva, Agaasimaha Maareynta IMF. Dadaallada dib-u-habeynta lagu guuleysto ayaa aasaas u ah koritaanka dhaqaalaha ee loo dhan yahay iyo wax ka qabashada baahiyaha dadka ugu nugul dalka. iyada oo Soomaaliya ay bilawday cutub cusub oo taariikhdeeda ah. Waxaan ku kalsoonahay mustaqbal adkaysi badan iyo mustaqbal barwaaqo ah in loo heli doono dadka Soomaaliyeed,” ayay tidhi Kristalina Georgieva.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo arintaan ka hadlayay ayaa isna yidhi, “Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed waxay aad ugu faraxsan yihiin go’aanka IMF iyo World Bank Group ee u oggolaanaya Soomaaliya inay si buuxda ula shaqeyso Hay’adaha Maaliyadda Caalamiga ah. Go’aankani wuxuu u yahay guul muhiim ah oo Soomaaliya u soo bandhigaya fursado waafi ah iyada oo si is daba joog ah ula socota howlaha dib-u-habeynta ee hadda socda iyo sidoo kale soo kabashadeeda iyo qorshaheeda horumarineed.’

“Safarka noo horseeday go’aankani wuxuu u baahnaa shaqo adag, u hibeyn iyo iskaashi. Dowladda federalka waxay u mahadcelineysaa IMF, Bangiga Aduunka iyo la-hawlgalayaasha taageeradooda aan kala go ‘lahayn iyo dadka Soomaaliyeed sabirkooda iyo adkeysiga safarkan,” ayuu hadalkiisa ku daray raysal Wasaare Kheyre.