Booliska Oo Xidhay Lamaane Diiday In Huteelkooda Lagu Karantiilo Dad La Socday Ethiopia Airlines

Hargeysa (Aftahannews) – Ciidammada Booliska Somaliland ayaa Xidhay Mulkiilaha  Huteelka Sky oo ku yaalla Xaafadda Maslaha ee Koonfurta Magaalada Hargeysa iyo Xaaskiisa.

Ciidammada ayaa xidhay Axmed Odowaa oo ah Mulkiilaha Huteelka Sky iyo Xaaskiisa Filsan.

Ilo-wareedyada Geeska Afrika u sheegay Xadhigga Lamaanahan ayaa sheegay in la xidhay Axmed iyo Filsan, ka dib markii ay diideen Codsi uga yimid Guddiga u diyaar-garowga iyo ka hor-tagga Coronavirus ee Somaliland, kaasi oo ahaa inay huteelkooda u ogolaadaan in lagu hayo qaar ka mid ah Dadka ka yimid dalka dibeddiisa ee Guddigu doonayso in muddo 14 Maalmood ah la karantiilo, si loo hubiyo inay qabaan Coronavirus.

 

Dadka la doonayey in lagu karantiilo Huteelka Sky ee ay diideen Mulkiilaha Huteelka iyo Xaaskiisa ayaa ahaa Dad diyaaradda Ethiopian Airlines ay Hargeysa keentay isla-markaana uu ku fulay amarkii Shalay ka soo baxay Guddiga u diyaar-garowga Coronavirus ee ahaa in la karantiilo dhammaan Dadka Rakaabka ah.

Xadhiggan labadan Qof ayaa yimid maalin ka dib markii Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee Gobolka Maroodi-jeex, Mr. Xamse Ciise uu Warbaahinta ka sheegay inuu indhihiisa ku arkay Masuuliyiin ka mid ah Xukuumadda oo Dad ka soo degay Diyaarad Itoobiya ka timid u raadinaya Guri ay u kireeyaan, si loogu karantiilo.

Xukuumadda Somaliland, gaar ahaan Guddiga u diyaar-garowga ka hor-tagga Caabuqa Coronavirus ayaa Shalay sheegay in la karantiilayo dhammaan Dadka Rakaabka ah ee la socda Diyaaradaha yimaadda Somaliland, laakiin marna ma sheegin Goobta lagu karantiilayo.Xigasho Geeska Afrika