Cilmi-baadhis Iftiimisay Waqtiga Ragga Iyo Dumarku Is-qiimeeyaan

Hargeysa, (Aftahannews)-Daraasad cusub ayaa sheegtay in go’aanka uu ninku kaga gaadho gabadh inuu ogolaado ay ku qaato ilbidhiqsi ama in ka yar halka dumarka ay kaga qaadato ayaamo ama bilo taas oo ay sababto Arimo badan oo ay ka mid yihiin dumarka oo xukuma dareenka jacaylkooda iyo iyadoo uu dumarka celinayo dhaqanka iyo caadooyinku.

Daraasadan uu soo saaray khabiir Reer Holland ah oo la yidhaahdo MARK VAN VUGT ayaa sheegay in ninku uu u baahan yahay ilbidhiqsi ama in ka yar inuu ku qiimeeyo gabadha iyadoo ninku uu go’aan ku qaato aragtida ugu horeysa ee gabadha.

khabiirkan ayaa sheegay in go’aanka ninku uu ku yimaado aragti yar oo uu arko wajiga gabadha isagoon aad uga fakerin shakhsiyadeeda iyo dhererkeeda iyo inay si wanaagsan u fikirto iyo in kale.

Khabiirkan ayaa sheegay in Raga badan koodu ay jecel yihiin dumarka fikirkoodu gaaban yahay ee aan meel dheer ka sii fekerin waayo waxa uu sheegay inay ku abuurayso mushkilado hadii ay aad u fikirto gabadhu, arintani uu khabiirku ku sameeyay daraasada ayaa waxa ay si toosa uga hor imanaysaa oo u burinaysaa murtida soomaaliga ah ee tidhaa ” Ragu waxba dhayal kuma jeclaado waxana ku fudayd kuma naco” inkastoo ay kala gedisanyihiin siyaabaha ay dadyowga caalamku u faaqidaan dhacdada loo yaqaano jacaylka oo ah dareen laga wada dharagsanyahay sida uu ku bilaabmo iyo in uu yahay waxa aan cidina ka indho qarsan karin.

Hadaba waxa iyaduna muhiim ah oo inta badan dhacda in ragu kaga badan yihiin dumarka xaga abuurka dareenka jacaylka loo yaqaan waayo waxa laga yaaba in ninka raga ah ay maalin qudha ku wada kulmaan jacaylo kala duwani. Waxana dhacda in uu arko hal mar laba dumar ah qurxoon, deedna uu go’aansado sii uu ku baranlahaa labadoodaba hadii uu waayana uu mid ahaan u soo xero galin lahaa.