Cudur Cusub Oo Ka Halis Badan Xannuunka Coronavirus Oo Markale Ka Dilaacay Dalka  Shiinaha  Iyo Cabsidda Dunnidda Ku Soo Waajahan

Bejin, (Aftahanews)-Hantavirus oo ah Virus cusub oo kale oo ka dilaacay waddanka Shiinaha, ayaa waxa u dhintay hal qof sidda ay qortay majaladda wararka ee International Times ee dalka Shiinaha, ninkan oo ka soo jeedda gobolka yunaan ayaa u dhintay Virus-ka isagoo ka soo laabanayaa shaqo uu ka hayay gobolka shantagooy, laba iyo soddon qof oo kale oo la saarnaa baska ayaa laga baadhayaa Virus-kan.

Macluumadka laga helayo websit-ka rasmiga ah ee xarunta xakamaynta iyo ka hortagga cuduradda ee loo soo gaabiyo (CDC), ayaa Hantavirus wuxuu ku sheegay qoys Virusyo ah oo inta badan ka yimaadda xayawaanka jiirka, waxaannu sababi kara cuduro kala duwan, sidda laga soo xigtay cilmi-baadhasha xogta laga heli karro ee bogga furan ee cuduradda. Astaamaha Hantavirus waxa ka mid ah: Daal, qandho, Muruq xannuun, bowdyo xannuun, Misko xannuun, Dhabar xannuun iyo mararka qaar oo garbuhu ku xannuunaan, Astaamaha kale waxaa ka mid noqon kara ; Madax-xannuun, Wareer, Dhaxan, iyo dhibaatooyinka caloosha iyo Matag.

Hantavirus ayaa la sheegay in markii ugu horraysay ayaa laga qaaday taabbasho laga qaaday Jiir beeraha kaymaha ama cunista jiirka oo ku dhex-kaajay cunto la cunno, waxaannu noqon karaa mid dilaa ah dadka 38%, tiradaas oo ka badan midda cudurka coronavirus.Xigasho Warsugan