“Dadka La Karantiimaynayaa waxay isu Qabi Doonaan Kharashka 14-ka Cisho ee la Hayo..” Guddiga Ka Hor-tagga Corona-Virus ee Somaliland

Hargeysa(Aftahannews):- Guddiga ka hortagga Cudurka Corona-virus Covid-19 ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegay maanta in guud ahaan xuduudaha dala la xidhay, isla markaana waxyaabaha daruuriga ah oo keliya la oggolyahay inay dibedda ka soo galaan Dalka, sidoo kalena Qof kasta oo Dalka yimaadda la gelin doono karantiin 14 cisho ah, iyaga oo dadka la karantiimayaa isu qabi doonaan kharashka ku baxaya muddada labada toddobaad ah.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdillaahi Bade oo ah Guddoomiyaha Guddiga ka Hor-tagga Corona-virus oo ku hadlayey Afka Guddiga, ayaa Kulankii siddeedaad ee Guddigaasi yeelato ku sharraxay qodobbo kala duwan.

Haddaba, Warka Wasiirka oo qodobbada kala duwan ee ay maanta soo saareen Sharraaxya, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.