Guddoomiyaha Naafada Somaliland Oo Dowladda & Ganacsatada u Diray Baaq La Xidhiidha Corona-Virus

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Ururka Naafada Somaliland Daahir Xaaji Jaamac Diiriye, ayaa Xukuumadda iyo Ganacsatada Qaadka ugu Baaqay inay joojiyaan Qaadka habeen iyo maalinba soo galaya Dalka ee ka imanaya waddanka Itoobiya oo uu ka dilllaacay Cudurka Dunida aadka ugu faafaya ee Corona-virus Covid-19 joojiso Qaadka ka imanaya Dalka Itoobiya.

Waxa uu Guddoomiyuhu sheegay in Dadka Naafadaha ah ee Reer Somaliland ka mid yihiin Dadka u nugul Xanuunka Corona-Virus Covid-19 ee dunida xawliga ugu baahay haddii uu soo gaadho Somaliland.

Daahir Xaaji Jaamac oo waraysi siiyey Baddacas24TV galabta, waxa kale oo uu sheegay in loo baahan yahay inaanay Dhimasho innoo keenin Mijin iyo Rubuc Jaad ah, sidaa awgeed loo baahan yahay in la joojiyo Qaadka Itoobiya, dowladduna doorkeeda qaadato, sidoo kalena ay Ganacsatada Qaadka keena dalka naxariis u muujiyaan Dadkooda oo ay muddo dhawr toddobaad ah joojiyaan keenista Jaadka.

Waraysigaas oo dhammaystiran waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.