Somaliland: Ciidanka Dab-demiska oo Badbaadiyey Dad Gaadhigooda Daad Ku Qaaday Dooxa Hargeysa

Hargeysa(aftahannews):- Ciidammada Dab-demiska Magaalada Hargeysa, ayaa Badbaadiyey Dad saarnaa Gaadhi Iska-rogo ah oo uu Qaaday Dooxa Hargeysa, ka dib markii Roobab Daad Badan dhaliyey oo ka da’ay Caasimadda iyo Nawaaxigeeda.

Galabnimadii Arbacada Maanta oo uu soo rogmaday Dooxa Hargeysa, Jidka Dooxa ka gudba ee Saldhigga Booliska New Hargeysa garabkiisa ka leexda waxa uu Daadku god jidka ka leexiyey Gaadhiga Iskarogada ah ee idiin muuqda oo ay saddex Qof saarnaayeen.

Hase-yeeshee Ciidammada Dabdemiska Somaliland ee magaalada Hargeysa, ayaa u gurmaday, isla markaana badbaadiyey Saddexdaas qof ee gaadhiga saarnaa, kuwaas oo u tuuray Sallaan ay kaga baxeen gaadhigaas.

Maalmihii u dambeeyey ayey Dalka Somaliland ka Curteen Roobabka Gu’gu, iyagoo Deegaanno badan oo Hargeysa iyo nawaaxigeedu ka mid yihiin Maasheeyey.

Had iyo jeer Xilli Roobaadka waxa ka dhasha Khasaare Naf iyo Maalba leh, iyagoo Dooxyadu qaada Gaadiid Dad Saaran yihiin iyo Dad isku daya inay Dooxyada ka tallaabaanba.

Haddaba, Qaabka ay Ciidanka Dab-demisku u badbaadiyeen Dadkaas, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.