Somaliland: Ka Faa’iidaysiga Khayraadka Roobabka Gu’ga Ee Curtay.Qallinkii: Wariye Budul

Waxa curtay roobabkii gu’ga oo Ilaahay (SWT) inoo shubay isla markaana deegaamo badan oo Somaliland ka da’een roobab lagu diirsaday iyadoo aynu ka soo baxnay jiilaalkii muddada gaaban lagu soo jiray.

Bulshada reer Somaliland gaar ahaan qaybaha beeralayda ama deegaanka ay degan yihiin ku fiican yahay wax soo saarka beeraha ayaa looga baahan yahay inay ka faa’iidaystaan xilli roobaadka, iyadoo noocyada kala duwan ee beeralayda sida kuwa beer roobaadka, kuwa dooxyada dhinaca ku haya ee beer bustaan intaba ay wax weyn u taraan biyaha roobabka ka soo rugmada.

Ummada reer Somaliland ayaa tan iyo xilliyadii uu dalkan gumaysan jiray boqortooyada Ingiriisku aanay waxba ka qaban marka loo eego xaga beeraha iyo dhinacyo badan oo nolosha bulshada lagama maarmaan u ah, ayaa sidoo kale dawladihii kala dambeeyay ee dalkii la isku odhan jiray Soomaliya oo Somaliland ka tirsanayd wax horumarin ah ka samaynin deegaanada dalkan.

Hadaba xukuumadihii kala dambeeyay Somaliland xukunka qabtay ayaa xukuumad kastaa-ba intii itaalkeeda ah wax ka qabatay baahiyaha aasaasiga ah, balse wakhti xaadirkan ayaa xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay ku talaabsatay ku dhiiri galinta bulshada dhinaca waxsoo saarka beeraha.

Waxaanay xukuumadu fulisay mashaariic wax soo saarka beeraha oo laga hirgeliyey gobollada dalka qaar ka mid ah sida gobolka Daad-madheedh, gobolka Togdheer iyo gobolka Gabiley, kuwaas oo dalagii kala duwana ee ka soo go’ay beerahaasi hada ay ku jiraan Bakhaarada Kaydka ee hay’ada kaga hortaga aafada iyo kaydka raashinka.

Raashinkaasi oo ummada Kayd u ah ayaa loogu talo galay xilliyada Jiilaal cadaadiga ama abaaro Ilaahay inaguma keeno’e hadii ay yimaadaan in la isticmaalo.

Dhinaca kale xukuumada Somaliland, ganacsatada iyo waxgaradkeeda ayaa looga baahan yahay guud ahaan in talo qaran laga yeesho sidii looga faa’iidaysan lahaa roobabka Ilaahay inoogu deeqo ee biyaha ka soo rogmada dooxyadu ku shubaan Badda iyada oo aan laga faa’iidaysan, taas oo khasaare inagu ah sababta oo ah umadaha dunidu ama gobolka geeska Africa sida ay uga faa’iidaystaan, in inaguna dalkeena aynu ka samayno oo dadaal u galo sidii aynu biyo xidheeno uga hirgelin lahayn, isla markaana dad iyo duunyo-ba ugaga samato baxaan xilliyada adag.

Ugu dambayn, tacab iyo dadaal hadii aan la samaynin oo dabaal iyo mirqaan lagu jiro door ma kaafido, waxse loo baahan yahay in fadhiga lagaga kaco oo la is barbar wado wacyi galinta bulshada, dadweynuhuna aanay dawlad uun wax ka sugin oo xukuumadu wixii ay la qaban karto ee mashaariicaha la gaadhsiin doono hadba sida loo helo caawimooyinka ay ina siiyaan qolooyinka qaadhaan bixiyayaasha lagu sheego, taasna wax aka sii fiican inaga oo gacmaha is qabsana waxaynu ka midho dhalin doona himiladeena, laguna gaadhi doona horumar. Ilaahay ha inagu anfaco