Weli Cidi Ma Kuu Sheegtay Runta? Qalinka Cabdikariin Axmed Mooge

CABDIKARIIN AXMED MOOGE 2020
CABDIKARIIN AXMED MOOGE 2020

Wadamada jaarku xadkooda wey inaga xidhan karaan lakiin inagu kama xidhan karno! Xadku xitaa haduu xagooda ka xidhanyahay xageena waa in uu ka furnaada!

CABDIKARIIN AXMED MOOGE 2020
CABDIKARIIN AXMED MOOGE 2020

Qaadka lama joojin karo, waayo dawlad buu leeyahay oo waa siyaasad dhaqaale!Diyaarada lama joojin karo ilaa ay iyadu iskeed u joogsato ama ay rakaab weydo, waayo diyaaraddu dawlad bay leedahay!

Masakiintu Hargeysa, wey ka dhex dawarsan karaan lakiin casimadooda kama dhex dawarsan karaan! iga baxa’na kuma odhan kartit waayo masakiinta dawladdooda aynu jecelahay ayaa inaga xanaaqaysa!

Saldhigeena Barbera, bila-kiro ayaynu ku siin karnaa! Aqoonsi ha danbeeye inagu xitaa wadankooda Passportkeena kuma booqankarno (waxa ku taga inta xilka haysa iyo inta ay iyagu u codsadaan ee dano laga leeyahay)

Markay iyagu inoo yeedhaan weynu u cararnaa! lakiin inagu uma yeedhi karno! Xitaa hadii laga hadlaayo Saldhigaaga iyo Dekeddaada Iyo qaar kaloo badan……..

Qalinka Cabdikariin Axmed Mooge

Hargeysa/Somaliland.