Taxanaha #QayladhaanDumar Sheekada 1-aad

JOOJI TACADDIGA KA DHANKA AH HAWEENKA
JOOJI TACADDIGA KA DHANKA AH HAWEENKA

Waxa ay ahayd sannadkii 2015. Markaas ayuun baan ka baxay Jaamacadda. Shaqadoon ayaan ahaa. Nin ka mid ah dadka Hargeysa ugu caansan ayuu ahaa. Aad ayaan u ixtiraami jirey, waxaanan u haystay nin khatar ah. Si deggan ayuu Facebook-ga iiga soo salaami jirey, nin sharaf leh ayaan u aqaanay. Farxad ayaan kala badan jirey marka uu i soo salaamo.

JOOJI TACADDIGA KA DHANKA AH HAWEENKA
JOOJI TACADDIGA KA DHANKA AH HAWEENKA

Maalin ayuu igu yidhi, CV-gaaga ii keen galabta, shaqo ayaan kuu hayaaye. Raynrayn iyo niyadwanaag ayaan dareemay. Guri fooq ah oo magaalada badhtankeeda ah ayuu ii tilmaamay, waa xafiiskiisa, waan imid. Maqrib ayaa dhowaa. Waan u galay. Waraysi ayuu igu bilaabay, waan u jawaabay. Maanta ayaad shaqo heshay, ayaan is lahaa. Wax yar ka dib ayuu kacay, gadaashayda maray, deedna laydhkii qolka bakhtiiyay. Waan naxay. Maxaa dhacay, markii aan ku idhina, wuxuu yidhi, aamus, qolalkaa kale rag baa ku jira oo codkaaga maqlaya e, waana la i garanayaaye. Waan aamusay, weli waxa socda ma aan fahmin. Wuu soo dhaqaaqay. Deedna waxa aan ku war helay gacantiisa uu garabkayga saaray. Naxdin ayaan markii u horreysay gariiray noloshayda. Wadnaha ayaa hoos ii dhacay. Iga qaad gacanta, haddii kale waan qaylinayaa, ayuu Ilaahay iga yeedhsiiyay. Wuu ila yaabay. Waan shakiyey, sidii aan khaldanahay oo kale. Waan ku adkaystay. Calaacal iyo cay isku jira ayuu bilaabay. Waxaan ku adkaystay, wallaahi waan qaylinayaa haddaad i sii dayn weydo. Wuu i sii daayay, deedna cay ayuu igu hurgufay. Ciyaal baad tahay aan hooyadeed weli dhaafine, waxani waa caadi, ayuu igu yidhi. Wuxuu ii raaciyay, naa bax oo waraaqahaagana qaado, reer miyiyad yahay.

Maanta waxa aan ka shaqeeyaa meel la iga ixtiraamo, guddoomiya illaa ka u hoseeya. Ilaahay baa mahad leh. Ninkii oo meelahaa wax weyn looga haysto marka aan arkana, dullinimadiisii ayaan xasuustaa.

Xigasho Ismaaciil C Ubax Ismaaciil C Ubax