Somaliland: Halista Cudurka Corona-Virus iyo Habacsanaanta Heeganka Ka-hortagga

SOMALILAND OO SHAQAALAH CAAFIMAADKA HEEGAN GELISAY 2020
SOMALILAND OO SHAQAALAH CAAFIMAADKA HEEGAN GELISAY 2020

Qulqulka Ajaanibta Shiinaha iyo Yurub iyo dhacdooyin laga wariyey Madaarka Diyaaradaha Hargeysa…

Hargeysa(Aftahannews):- Caabuqa Corona-virus waxa uu dilaacay magaalo ku taalla dalka Shiinaha bilihii la soo dhaafay, waxaanu si xawli ah ugu faafay qaaradaha caalamka, khaasatan qaybo kamida Aasiya, Yurub, Ameerika iyo Afrika oo kamida meelaha ugu sahlan, marka la barbar dhigo sida uu u sameeyey Dalka uu ka soo bilaabmay ee Shiinaha, qaybo kamida Yurub, Maraykanka, khaliijka Carabta iyo dalalka ay soohdimaha wadaagaan.

SOMALILAND OO SHAQAALAH CAAFIMAADKA HEEGAN GELISAY 2020
SOMALILAND OO SHAQAALAH CAAFIMAADKA HEEGAN GELISAY 2020

Cudurkan oo loo aqoonsaday masiibo saf mar ah oo dunida oo dhan halis ku ah, ma jirto ilaa iyo iminka wax daawo ah oo loo helay, marka laga yimaado dedaallo ka hortag ah oo lagu xakamaynayo, taasoo ay dawladdaha caalamku ay ku howlan yihiin, iyadoo ay inta badan dunidu joojisay macaamillaadkii dhanka Ganacsiga iyo isu-socodka ee ka dhexeeyey Dalka Shiinaha iyo wadamada kale ee uu xanuunku barriinsaday.

Cudurkan waxa uu kala xidh-xidhay qaybo badan oo kamida dunida horumartay, waxaanu xataa saameeyey gudashada axmaasha Xajka loo tago oo ay dawladda sucuudigu hakisay cumradii Xajka.

Somaliland oo kamida wadamada dhaca Geeska Afrika ee xidhidhka Ganacsi ka dhexeeyo dalka Shiinaha iyo wadamo kale oo ay kamid yihiin Khaliijka Carabtu, ayaa bilowgii markii lagu dhawaaqay khatarta cudurkan, waxa ay xukuumaddu qaaday talaabooyin lagu xakamaynayo cudurkaasi, iyadoo goobaha dalka laga soo galana la geeyey howlwadeeno caafimaad oo dadka musaafiriinta ah halkaasi ku baadhaya.

Meelaha ay dawladdu ka samaysay xarumaha dadka soo gelaya lagu baadhayo waxa kamida garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa oo ah dhabaha dadka ugu badan ee ka yimaada caalamku wadanka ka soo galaan. waxa kale oo sida ay masuuliyiinta dawladdu sheegeen goobo karrantiimo iyo baadhista cudurkan laga hirgeliyey deegaamada ku yaalla xuduudaha dalka laga soo galo iyo dekedda magaalada Berbera oo iyaduna kamida dariiqyada ay ajaanibka iyo muwaadiniintuba dalka ka soo galaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo 30-kii bishii Janaury booqday gegida diyaaradaha ee Hargeysa, ayaa amar ku siiyey maamulka Madaarka in ay dhisaan hagar dadka looga shakiyo cudurkaas lagu sii hayo ilaa inta laga xaqiijinayo xaaladooda, haddii laga helana lagu karantimeeyo. sidoo kale waxa uu madaxweynuhu amar siiyey Taliyeyaasha laanta Socdaalka, Booliska iyo guud ahaan ciidamada ka howlgala garoonka, kuwaasoo uu dhamaantood faray madaxweynuhu. “waxa loo baahan yahay Taliyaha Ciidanka socdaalka iyo ka Boolisku in ay aad gurmadka u galaan oo dadka soo degaya hubiyaan in la baadhay iyo in kale oo ay amarka dhakhaatiirta fuliyaan”.

Geesta kale, Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka ayaa dhowr jeer ku celceliyey in ay ka hortaga cudurkan si mugle ugu diyaariyeen goobo loogu talogalay, ha ugu horayso hangarka laga dhisay garoonka diyaaradaha oo sida xaqiiqadu tahay la geeyey howlwadeeno caafimaad oo wasaaradda ka socda iyo mishiino yaryar oo lagu eeggayo heerka xumadda dadka soo degaya.
Sidoo kale, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uuWasaaradda Caafimaadka ku dhiiri-geliyey dhaqaale deg deg ah oo uu ugu talogalay in xakameynta cudurkaas lagu xoojiyo, taasoo wasaaradda si toosa loo siiyey.
Haddaba maxaa dhacay?

Laga soo bilaabo bishii January ee Madaxweynuhu ku dhawaaqay xakameynta qaran ee cudurka Corona virus, waxa kaliya ee la hirgeliyey waa goobta lagu diyaariyey qalabka iyo shaqaalaha oo aan sida la xaqiijiyey sidii loo baahnaa aan u shaqaynin, inkasta oo aan la dhaliilin shaqaalaha, haddana waxa saluug ka muuqdaa awooda qalabka ay isticmaalayaan iyo ka go’aanshiyaha maamulka sare ee fulinta siyaasadda dawladdeed la xidhiidha ka hortaga cudurkan.

Arrinta kale ee iyaduna khatarteeda leh ayaa ah in aanay dawladdu waxba ka bedelin siyaasaddii isu-socodka ee caalamka, gaar ahaana dalalka cudurku ku faafay iyo wadanka shiinaha ee uu ka dilaacay, taasoo sababtay in ay maalin walba madaarka ka soo deggaan dad ajaanib ah oo ka yimi wadamo cudurkani faro-baas ku hayo.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo laga helay madaarka, ayaa sheegay in todobaadyadii u dambeeyey ay ka soo deggeen laba kooxood oo ajaanib ah oo kala yimi Shiinaha iyo Spain, kuwaasoo markii la baadhay saraakiisha Caafimaadku ku hakiyeen xarunta loogu talogalay in lagu karantiimo dadka lagu arko astaamaha cudurkan.
Hase ahaatee sida ay xaqiijiyeen goob-joogeyaal, dadka ajaanibka ah ee la hakiyey waxa markiiba soo daayey oo kala soo baxay goobta lagu karantiimay shakhsiyaad shaadh dawladdeed oo awood badan isticmaalaya iyo saraakiil ka tirsan xafiisyada ay u socdeen.

Dadkaasi waxa kamid ahaa laba nin oo ka yimi dalka Spain oo markii la baadhay howl-wadeenada caafimaadku ku arkeen xumad heerkeedu sareeyo, kaddibna ay ku joojiyeen goobta madaarka, balse raggaas waxa markiiba u yimi sarkaalka u sareeya Xafiiska Midowga Yurub ee Hargeysa ku yaalla, kaasoo sida ay ilo-wareedyadu sheegeen ku doodday in ay iyagu meel gaar ah ku hayn doonaan.

Kooxda ka timi dalka Shiinaha oo iyagana tiradooda lagu sheegay afar xubnood, ayaa la tilmaamay in ay u socdeen howlo ganacsi oo ka dhexeeya shakhsiyaad Dawladda gacan saar la leh, shakhsiyaadkaasoo sidoo kale la sheegay in ay is-hortaageen qorshe dawladdu doonaysay in ay ku joojiso gabi ahaanba dadka ka imanaya Shiinaha ee aan muwaadiniinta ahayn.

Waxaana warku intaa ku daray in bishii la soo dhaafay dhexdeeda go’aan ka soo baxay Hay’adda duulista hawada iyo maamulka garoomada Somaliland oo ay dulucdiisu ahayd in hakad la geliyey dadka ka imanaya dalka Shiinaha ay markiiba ka noqotay, soona saartay qaraar kale oo ay kaga noqotay, taasoo wadada u xaadhay in ay ajaanibka shiinuhu ku soo qulqulaan Hargeysa, iyagoo soo raaca diyaaradaha shirkadda Itoobiyaan Airline oo sida la ogyahay ku adkaysatay in aanay joojinayn duulimaadyadeeda shiinaha sabab kasta oo la xidhiidha cudurka Corona Virus.

Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo aan wali qof kamida muwaadiniinta somaliland lagu arrag calaamadaha cudurkan, isla markaana foojignaan heer sare ah laga dareemayo bulshada rayidka ah dhexdooda, Wasaaradda caafimaadkuna farriimo wacyi-gelin ah waday maalmihii u dambeeyey, haddana arrimahan aynu xusnay iyo dhacdooyinka laga soo wariyey garoonka diyaaradaha Hargeysa waxa ay hal-bacaad lagu lisay ka dhigayaan dedaalka xukuumaddu ay sheegtay in ay ugu jirto xakamaynta cudurkan.

waxa kale oo ay biyo col dhaanshay ka dhigayaan amarkii uu madaxweynuhu ku siiyey hay’addaha socdaalka, nabad-gelyada iyo caafimaadka in ay gacmo wada jir ah ku waajahaan ka hortaga xannuunkaasi alle dalka iyo dadkaba haka badbaadiyee.

Ugu dambeyn, talaabooyinka dawladda looga baahan yahay waxa ugu muhiimsan in ay gabi ahaanba xayirto ajaanibka ka imanaya dalalka uu ka dilaacay cudurkani, in ay shirkaddaha diyaaradaha kula xisaabtanto soo qaadista Rakaabka ay dalka keenayaan iyo in ay dardar geliso goobaha loogu talogalay in lagu baadho dadka soo gelaya dalka ee dibadaha iyo dalalka deriska ka imanaya.

Cudurka Corona Virus sida la ogyahay daawo ma leh, sida qudha ee alle ayaa wax badbaadiyee looga gaashaaman karaana waa ka hortag. ka hortagna waxa ugu muhiimsan in dalalka uu ka soo gudbi karo la iska mooso cagtooda.

Qore: M.C. Xuseen

Cilmi-baadhe iyo Falanqeeye.