“Haddii Madaxweyne Muuse Biix Cabdi Uu Caabudo Allaha Aan Caabudo Xergeeye Xil Umuu Dhiibteen..” M. F. Qoti

Agaasimaha guud ee Wasaradda Caafimaadka Somaliland Maxamed Cabdi Xergeeye 2020
Agaasimaha guud ee Wasaradda Caafimaadka Somaliland Maxamed Cabdi Xergeeye 2020

Hal xidhaalaha maanta:- Ballan buu qaadayaa Been buu ku darayaa! Waxa Qoray Maxamed Faarax Qoti

Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ka hor intii aan loo magacaabin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, waxa uu ka hawl gali jiray Cusbitaalka Qaaxada ee Hargeysa.

Agaasimaha guud ee Wasaradda Caafimaadka Somaliland Maxamed Cabdi Xergeeye 2020
Agaasimaha guud ee Wasaradda Caafimaadka Somaliland Maxamed Cabdi Xergeeye 2020

Wakhtigaas waxa uu isku hayey oo uu gunnooyin ku qaadan jiray 6-jago oo uu ka mid ahaa, MDR facility manager oo ku qaadan jiray qadar lacag ah 600-oo Dollar.

Halka uu dhakhtarnimo MDR TB doctor uu ku qaadan jiray 600-oo Dollar, waxa kale oo uu ahaa TB coordinator oo uu ku qaadan jiray bishii 700-oo Dollar, oo uu ka qaadan jiray hayada KJRC, isla markaana waxa uu ahaa Pediatric TB Focal Point oo uu bishii qaadan jiray 625-Dollar.

Sidoo kale, waxa uu ahaa Nutritional support for TB patients oo uu ku qaadan jiray 300-Dollar, iyo mushaharka Dowladda 9,30,000/shsl.

Lixdaa Xil ee uu hayey waxa la hubaa markii loo magacaabay xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, laba mooyaane in uu intee kale wali hayo Agaasimuhu Guud, waxa sidaas ii sheegay Dhakhtar iga codsaday in aanan magaciisa la shaacin.

Iska daaba taasoo, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku iyo Agaasimaha waaxda qorsheyntu maanta waxay qaataan gunnadayadii Mashruuca SHINE Programme, oo ay ka qaataan Hayada HPA, haddan waa aniga oo ah Madaxa Isgaadhsiinta Xidhmooyinka Adeegyada Caafiamaadka ee mahsruuca EPHS ee SHINE programe sida ku cad.

Waxa kale oo Agaasimaha guud iyo Agaasimaha Waaxda Qorsheyntu si badheedh ah ay ugu diraan shaqadii aanu qaranka u haynay cid kale oo aan ku qorneyn, haddaba haddii Madawxweynuhu uu caabudo Allaha aan caabudo xergeeye xil umuu dhiibteen..,…. la soco dhacdooyin xiiso leh.

Waxa Qoray Maxamed Faarax Qotisa

Hargeysa/Somaliland.