Turkiga oo Hirgelinaya Heshiiska Sahaminta ShiIdaalka, Qodista Macdanta, Sifeynta iyo Suuq-geynta Khayraadka Soomaaliya

Turkiga iyo Soomaaliya oo hirgelinaya Heshiis muhiim ah oo ay kala saxeexdeen
Turkiga iyo Soomaaliya oo hirgelinaya Heshiis muhiim ah oo ay kala saxeexdeen

Ankara/Muqdisho (aftahannews):- Dowladda Turkiga, ayaa sheegtay inay bilaabayso sidii ay u sahamin lahayd shiidaalka Soomaaliya, iyadoo qorshaynaysa inay samayso hab-howleedkii ay shaqadaa ku qaban lahaayeen gaar ahaan  shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa ay dowladdu leedahay qandaraaska loo qoondeeyey intaba.

Turkiga iyo Soomaaliya oo hirgelinaya Heshiis muhiim ah oo ay kala saxeexdeen
Turkiga iyo Soomaaliya oo hirgelinaya Heshiis muhiim ah oo ay kala saxeexdeen

Turkiga iyo Soomaaliya, ayaa kala saxeexday heshiis is faham ah (MoU) kaas oo ku saabsan iskaashi dhanka tamarta iyo qodaalka ah oo ay  kala saxeexdeen labada dal 2016-kii, kaas oo ay ansixiyeen  Guddi Hoosaadka Baarlamaanka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Baarlamaanka Turkiga kaas oo uu hordhigey MW Recep Tayyip Erdoğan ka dib markii DF Somalia ay ku casuuntay inuu sahamiyo shiidaalka dalkan somaliya ee Geesk Afrika dhaca.

Sida ku cad heshiiskan oo ay nuqul ka mid ah ay heshay Nordic Monitor, waxay Turkiga-Somalia iska kaashan doonaan dhanka tamarta, waxaana isfahamka dhinacyadu ku heshiiyeen mashaariic sahamineed, soo saaris, sifayn, soo saarista gaaska dabiiciga ah, kaydinta, daabulidda, dhoofinta, suuq geynta, injineeridda kaydka, dayactirka, dhisidda kaabayaasha waaxda tamarta Somalia iyo is dhaafsiga tiknalojiyadda la xidhiidha haydrocarbons-ka.

MW Ardoğan ayaa bishii hore ee sanadkan ku dhawaaqay inay Somalia ku casuuntey inuu Turkigu sahamiyo shiidaalka dalka, gaar ahaan dhanka badda.

Heshiiskan is fahamka ah ayaa horraantiisii la saxeexay bishii 3 dii Juun, 2016 kii, waxaana Muqdisho ku kala saxeexday Wasiir Dibadeedka Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu iyo dhiggiisii Somalia ee xilligaas, Cabdusalaam X. Cumar intii lagu jirey booqasho rasmi ah oo uu Erdoğan ku tegey caasimadda Somalia.

https://www.nordicmonitor.com/2020/02/turkey-set-up-mechanism-to-explore-oil-gas-and-mining-opportunities-in-somalia/ .

Turjumaadda Faysal Axmed Kaarshe

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.