Somaliland: Wasiirka Diinta oo Furay Shirka 1-aad ee Guddiga Wacyigelinta iyo Dabar-goynta Muqadaraadka

WASIIRKA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND IYO AGAASIMAHA GUUD EE DIINTA 2020
WASIIRKA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND IYO AGAASIMAHA GUUD EE DIINTA 2020

Hargeysa(WWDQS)- Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa furay shirkii u horreeyay ee ay yeeshaan Guddida Wacyigelinta iyo la-dagaallanka Mukhaadaraadka Somaliland, kuwaas oo Wasaaraddu Magcawday horraantii sannadkan 2020.

WASIIRKA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND IYO AGAASIMAHA GUUD EE DIINTA 2020
WASIIRKA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND IYO AGAASIMAHA GUUD EE DIINTA 2020

Kulankaa oo maanta ka qabsoomay Xarunta Wasaaradda ee magaalada Hargeysa, ka sokow Wasiirka waxaa ka qayb-galay Agaasimaha Wasaaradda Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalla, Garyaqaan Guud ee Qaranka Cabdisamad Cumar Maal iyo tobban xubnood oo guddidu ka kooban yahay.

 

 

Guddigaas oo marka hore ku bilaabantay Xubno isugu jiray Culimo, aqoonyahan, wax-garad iyo madax-dhaqameed, ayey Xukuumaddu garwaaqsatay, isla markaana dhaqaale ay ku hawlgeli doonaan ugu dartay miisaaniyadda 2020-ka, iyadoo sidoo kalena dib u habayn iyo magacaabis rasmi ah wasaaraddu ku samaysay.

Wasiir Khaliil oo hadal ka jeediyay kulankaas, ayaa sharraxaad ka bixiyay ujeeddada kulanka iyo ahamiyada ay guddidu u leeyihiin qaranka, “Marka dhinaca Diinta laga eego waa arrin culayskeeda leh in Ummadda laga badbaadiyo dhibataada.” ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu, waxaanu xusay in ay lagama maarmaan tahay in la garab-istaago guddidaas dedaalkooda iyo hawsha ay muddada soo wadeen, isla markaana la waafajiyo siyaasada Xukuumadda iyo sharciga.

Sidoo kale, Wasiir Khaliil waxa uu sheegay in loo baahanyahay Guddidu, iyagoo kaashanaya Ciidamadda Booliska in la helo xog dhab ah iyo daraasado xaqiijinaya meelaha ay mukhaadaraadku kasoo galaan dalka Somaliland, waxaanu tilmaamay in dadka ajaanibka ah ee dadka ku sugani ay qayb ka yihiin marinnada fududeeya soo gelitaanka mukhataraadka noocyadiisa kala duwan.

Agaasimaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalla, oo dhankiisa hadal ka jeediyay kulankaas, ayaa yidhi; “Sharaf ayay noo tahay innaan kulankan oo Wasiirku guddoominayo isugu nimaadno Guddiga oo ah Wacyigelinta la-dagaallanka iyo dabar-goynta mukhaadaraadka, waxay kasoo bilaabantay Culimo, Aqoonyahan iyo Waxgarad iskood isu xilqaamay oo ka dhiidhiyay arrintaa mukhaadaraadka, Xukuumadduna ay gar-waaqsaqtay oo u diyaarisay sannadkan 2020, in loo sameeyo miisaaniyad ay ku hawlgalaan.”

Agaasimaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu, wuxuu madasha kulankaa ka sheegay in Garyaqaanka Guud ee Qaranku sharraxayo qaabka ay Guddidu u hawlgelayo iyo sharciga ay ku shaqaynayaan.

Dhinaca kale, markii uu soo dhammaaday shirku, waxa Warbaahinta faah-faahin ka siiiyey qodobbada lagaga dooday iyo waxa la iskula qaatay Af-hayeenka Guddida Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Al-Baani ahna Guddoomiye ku-xigeenka guddigaas, waxaanu sheegay in kulankaas lagu falanqeeyay sidii guddida iyo wasaaraddu u wada shaqayn lahaayeen, isla markaana dabagal joogta ah loogu samayn lahaa fulitaanka qorshayaasha guddida la dagaallanka Mukhaadaraadka. “Waxa laysku raacay qorshe hawleedkii sannadka 2020, waxaana iska kaashanaya Guddiga iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo laamaha amniga oo kaashanaya dadweynaha.” ayuu yidhi, Sh. A-lbaani.

Afhayeenka Guddiga, ayaa ku amaanay Xukuumadda sida ay dedaal ugu samaysay yagleellida Guddiga iyo sidii qorshe miisaaniyadeed oo ay ku hawlgalaan loogu samayn lahaa, waxaanu Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda ku ammaanay siday u sameeyeen wax ka beddel iyo kaabis lagu sameeyey Xeerka la-daagallanka Mukhataraadka, isla markaana loogu gudbiyey Golaha Baarlamaanka oo naaqishaad ka dib la rejaynayo inay dhawaan ansixiyaan xeerkaas.

Guddigan oo uu dhawaan Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland magacaabay, ayaa laga filayaa waxqabad la taaban karo oo la xidhiidha ka wacyigelinta Bulshada ee isticmaalka maandooriyeyaasha iyo dabar-goynta guud ahaan muqadaraadka kala duwan ee dalka la soo geliyo oo isticmaalkoodu ku batay da’yarta Jamhuuriyadda Somaliland.

Warkaas oo dhammaystiran sidoo kale waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.