Kooxda Liverpool Oo Leexiyey + Dortmund Oo Wadnaha Riday PSG

Liverpool ayaa lagu garaacay garoonka ay Champions League ku qaadeen xilli ciyaareedkii hore ee Wanda Metropolitano iyadoo ay guuldarro 1-0 ka soo gaartay kooxda reer Spain ee Atletico Madrid.

Gool uu daqiiqadii 4-aad dhaliyay Saul Niguez ayay kooxda Atletico de Madrid kaga badisay kooxda difaacaneysa koobka ee Reds iyadoo tababare Simeone uu siiyay cashar difaacasho ah dhigiisa Jurgen Klopp oo carro darteed jaale ku qaatay.

Kooxda Atletico Madrid ayaa markii uu seedhiga yeedhayba waxa ay durbadiiba cadaadis saareen kooxda Liverpool iyadoo tababare Simeone uu kooxdiisa u diyaariyay inay kubada ku ceydhiyaan Reds bedelkii ay sugi lahaayeen.

Taatikadaas ayaa shaqeysay markii ay Atletico hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii afaraad. Koorno la soo tuuray oo ka dhex bixi weyday xerada goolka Liverpool ayaa waxaa helay Saul Niguez kaasoo ku guuleystay inuu kubada dabamariyo goolhaye Alisson iyadoo hal mar uu cirka isku shareeray sawaxanka garoonka Wanda Metropolitano.

Daqiiqadii 80 aad Jurgen Klopp ayaa badalkiisa saddexaad ka dhigtay James Milner wuxuuna saaray Jordan Henderson kaasoo dhaawac ku baxay.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 1-0 oo ay Atletico Madrid ku badisay iyadoo lugta labaad ee wareega 16ka ay bisha soo socota ka dhici doonto garoonka Anfield.

Sidoo kale kooxaha Borussia Dortmund 2 – 1 Paris Saint-Germain ayaa ku kala baxay bandhig qurux badan.