Biixi: “Raalligelinta Farmaajo waan aqbalay, Ma iman karo Hargeysa.. Kol Haddii Xisbiyadi Fashilmeen Ururrada Siyaasadda waan Furayaa..”

MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI OO FARMAAJO IYO DOORASHADA KA HADLAY 2020
MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI OO FARMAAJO IYO DOORASHADA KA HADLAY 2020

Hargeysa(aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Khudbad-sannadeedkiisa Dastuuriga ah, ayaa ka hadlay Nuxurka kulan ay wada yeesheen Madaxxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya, khilaafka doorashooyinka, Furista Ururrada, Hadal-haynta imashada Madaxweyne Farmaajo ee Hargeysa, raalligelinta uu Farmaajo ka bixiyey gabbood-falladii ay dowladdii Millateriga ahayd ee Soomaaliya ka geysatay Somaliland iyo qodobbo kale.

MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI OO FARMAAJO IYO DOORASHADA KA HADLAY 2020
MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI OO FARMAAJO IYO DOORASHADA KA HADLAY 2020

Madaxweyne Biixi oo Khudbad-sannadeedkiisa uu maanta ka horjeediyey fadhi wada jir ah oo ay labada Gole Baarlamaan ee Somaliland ku yeesheen Hargeysa, ayaa sheegay inuu furayo ururrada siyaasadda oo sharcigu dhigayo in tobankii sanoba hal mar la furo, maaddaama oo ay Xisbiyadu fashilmeen, isla markaana ku heshiin waayeen Guddiga doorashooyinka, sida uu hadalka u dhigay.

Warka ku saabsan qodobbadaas kala duwan ee uu Madaxweynuhu qaybo ka mid ah khudbaddiisa kaga hadlay, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.