Hindia: Arday Soo Bandhigay Qorshe Ku Cusub Guurka Lammaanaha

Hargeysa, (Aftahannew)-Waxaa laga yaabaa inay aragtida hore ku qaadaan jaceyl laakiin marnaba ma gali doonaan guur aannu waalidkooda raali ka ahayn.

Waxay qorsheynayaan 10 kun oo dhallinyaro Hindi ah inay u dhaartaan in aysan guursan doonin iyaga oo aan rukhsad ama fasax ka heysan waalidkood xitaa haddii tanin keenayso inay soo gabagabeeyaan xidhiidhkoodda jacaylka.

Hasyamev Jayate oo ah mutadawic ka tirsan hay’ad dhallinyaro ayaa qaban qaabinaya dhacdada ay ku dhaaranayaan dhallinyaradda isaga oo tagay 12 dugsi oo ku yaalla dalkaasi halkaasi oo dhallinyaro leh wiil iyo gabdho uu ka dhaadhiciyay inay sameeyaan ballan qaad ah inaysan gali doonin guur aannu waalidkooda raali ka aheyn.

“ Maalmahan dhallinyaro badan ayaa ka cadheysiisa waalidiintooda, xitaa qaarkood waxay ka cararaan guriga, wayna guursadaan hase ahaatee noloshaasi waxay noqotaa ku-meel-gaadh ,” ayuu yidhi Sanskar Bharti oo ah arday mutadawic ah oo ka tirsan dhallinyaradda ururka.

Waxa uu intaa raaciyay ‘ Waxaan u marayaa dhaartan waalideynteyda dartood, waxaan rabnaa inaan dhiir-gelino ahmiyadda waalidiinta.’

Dhacdada waxaa la qorsheynayaa in lagu qabto ku dhawaad 15 dugsi oo ku yaalla guud ahaan Hindiya halkaasi oo ardayda lagu siinayo casharro ku saabsan ahmiyadda labadda waalid.

Waxaa ka mid ah dugsiyada lagu qaban doono Sanskar Bharti, Presidency High School , Sanskar Kunj Gyanpith, Swaminarayan MV Vidyalaya.

 Sun Grace Vidyalaya, Navchetna Vidyalaya iyo Gyan Ganga Vidyalaya.