Khatarta Ku Gedaaman Xafaayadaha Carruurta

Qalinkii Cabdillaahi Budul

Bahasha la yidhaahdo xafaayadaha ee Carruurta yaryar loo xidho, ayaa iyada oo cabbaysan ay xaafaduhu ku soo daadiyaan dariiqyada iyo guryaha hortooda, taas oo hadhaaga qashinkeedu daadsan yahay meelo badan oo aan ku haboonayn in lagu qubo ayaa dadweynuhu aad uga

soo horjeedaan hadhaaga xafaayadaha sida dhagxaanta u daadsan xaafadaha dhexdooda.

Xafaayada caruurta ayaa hadhaageedu ka xun yahay bacda, taas oo arag xumada ku darsatay deegaanka oo ay aafo ku noqotay isla markaana ciiddu aanay cunin oo sida bacda oo kale meelaha xaafadaha dariiqyada dhexdooda marka aad socoto indhahaagu ku dhacayaan iyada oo cabaysan oo koone kasta ka muuqata.

Dawlada hoose ee caasimada Hargeysa waa inay qashinka xafaayada oo muddooyinkan danbe aad u farabadan laga ururiya dariiqyada ay wadhan tahay.

Sidoo kale xaafaduhu waa inay ka waantoobaan inay dariiqyada la marayo iyo goobaha aan ku haboonayn in lagu daadiyo qashinka aanay dhigin bahashaasi araga xun ee bilicda magaalada iyo caafimaad darada xamraasan ay agtooda ku daadiyaan, waxaana la yidhi qashinku inta uu kuu jiro ayuu xanuun kuu jira.

Dhinaca kale dawlada hoose waa inay cashuur dheeraada ku kordhiyaan ganacsatada soo dajisa xafaayadaha, taas oo qashinkeedu buux dhaafiyay caasimada Somaliland ayaa loo baahan yahay in cashuurtii hore looga qaadi jiray wax lagu kordhiyo maadaama xashiishkeedu aad u badan yahay, isla markaana ka daran yahay bacda oo hore khaatiyaan looga taagna.

Xafaayadaha ayaan berigii hore dumarku u xidhi jirin caruurta balse wakhti xaadirkan casriga ah ayaa isticmaalka xafaayada aad u badan yahay oo caruurta loo xidha si saxarada iyo kaadida ay u hayso ka dibna qashin ahaan u daadiyaan ayay ku qubaan goobo aan loogu talo galin in lagu daadiyo.

Ugu dambayn xaafaduhu ha dhowraan inay xafaayadaha oo cabaysan ku qubaan dariiqyada dadku marayaan iyo meelo aan loogu talogalin, waana inay meel baydhsan oo hadhow gaadiidka xashiishka ka qaadaan.

Waxaana loo baahan yahay in xashiishka bahashaasi oo ku baahsan koone kasta oo magaalada ah in laga daad gureeyo oo gaadiidka xashiishka ka ururiyaan meelaha ay wadhan tahay si bilicda caasimada loo ilaaliyo waa in dagaal lala galaa sidii loo ilaalin lahaa nadaafada iyo bilicda magaalada.

Waalidiintu waa inay qashinka xafaayadaha caruutooda ay u xidhaan aanay ku qubin guryaha hortooda, dariiqa la marayo la sugaan gaadiidka ururinaya xashiishka.

Shirkadaha qaabilsan nadaafada caasimada waa inay xilweyn iska saaraan qashin ururinta iyo nadaafada oo xafayaadahaasi indhaha u daran sida bacdii oo kale ka nadiifiyaan magaalada gudaheeda, gaar ahaan xaafadaha dhexdooda ilaa dariiqyada ay wadhan tahay oo aad moodo sida beero oo kale.