Madaxweyne Biixi Siduu ugu Go’aan Qaatay diidmada Bulshada Safarka Farmaajo?

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa la sheegay inay ku go’aan qaadatay aragtida diidmada ah ee Shacabka, Xisbiyada Mucaaradka iyo Siyaasiyiinta madaxa-bannaan ee Dalku ka muujiyeen qorshe la sheegay in Madaxweynaha federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya ku doonayaan inay ku yimaaddaan Hargeysa, kaas oo la sheegay inay marka hore isla qaateen amma isla qorsheeyeen Madaxweyneyaasha Somaliland, Soomaaliya iyo Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya.

Go’aanka ka dib aragtida Bulshada kala duwani ka muujiyeen hadal-haynta imashada Farmaajo ee Hargeysa oo baraha bulshada aad loogaga doodayey amma lagaga hadlayey, ayaa la sheegay inuu qaaday Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, isla markaana uu warqad qoraal ah maanta u diray Xukuumadda Itoobiya, gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibedda, taasoo la tibaaxay inuu ku muujiyey inaanay suuragal ahayn in Madaxweyne Farmaajo Somaliland yimaaddo.

Haddaba, Warka ku saabsan Warqadda qoraalka ah ee la sheegay in Madaxweyne Biixi u diray Itoobiya oo aan warbaahinta si toos ah loo siinnin, ayaa xogteeda, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalka-dhegaysigan hoose ee ka bogasho wacan oo wanaagsan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.