Caaqil Gaydh Cige Oo Ku Geeriyooday Magaalada Gabiley

Marxuum Chief Caaqil Gaydh Cige Geelle.jpeg
Marxuum Chief Caaqil Gaydh Cige Geelle.jpeg

Gabiley(AFN):- Allaah ha u naxariistee waxaa fiidkii Caawa ku geeriyoodey magaalada Gabiley Marxuum Chief Caaqil Gaydh Cige Geelle oo Ka Mid ahaa Cuqaasha Gobolka Gabiley,Gaar ahaan Beesha Waqooyiga iyo Galbeedka Gabiley.

Marxuumka ayaa u geeriyooday kadib markii xanuun kusoo booday isla maanta,Marxuum Chief Caaqil Gaydh Cige Geele ayaa door muhiimana ka soo qaatay dedaaladii loo soo galay nabadaynta iyo dib u dhiska dalka.

Marxuum Chief Caaqil Gaydh Cige Geelle.jpeg
Marxuum Chief Caaqil Gaydh Cige Geelle.jpeg

Dhamaan Maamulka, Hawlwadeenada iyo Wariyeyaasha Shabakaddaha HargeisaPress.com, Waxay marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo..

Innaali laahu Wa-innaa Illeyhi Raajicuuun.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.