Xeer-ilaaliyaha guud ee Maraykanka oo Sheegay inuu Khaati Ka Taagan yahay Madaxweyne Trump

MADAXWEYNE DONALD TRUMP IYO XEERILAALIYE William Bar 2020
MADAXWEYNE DONALD TRUMP IYO XEERILAALIYE William Bar 2020

Washington(aftahannews):- Xeer-ilaaliyaha guud ee dalka Mareykanka General William Bar, ayaa sheegay  in uu ka sahqeysan la’ yahaymadaxweyne Donald Trump oo uu wiiqayo shaqadiisa, una adeegsanayo Tweeter-ka, taas aysan u surtagalineynin in uu shaqadiisa qabsado.

MADAXWEYNE DONALD TRUMP IYO XEERILAALIYE William Bar 2020
MADAXWEYNE DONALD TRUMP IYO XEERILAALIYE William Bar 2020

Xeerilaaliyaha oo la hadalay Warbaahinta ABC News ee Mareykanka, ayaa eedayntan uu  u jeediyay Madaxweyne Trump imanaysaa xilli isha lagu hayo sida waaxda cadaaladda ee Mareykanka ay ula tacaamusho kiis la xiriira Roger Stone oo la taliye u ahaa madaxweyne Donald Trump balse la xukumay.

Xeer ilaalinta ayaa lagu eedeeyay inay u liiceen cadaadis uga imanayay madaxweyne Donald Trump.Hadalka xeer ilaaliyaha guud ayaa u muuqda mid uu kaga careysan yahay hab dhaqanka xafiiska madaxweynaha.

“Waxay ila tahay in la joogo xilligii la joojin lahaa in barta Tweeter-ka wax lagaga sheego waaxda cadaaladda. Ma qabsan karo shaqadeyda cadaaladda iyadoo marwalba wax laga sheegayo, taas oo minja xaabineysa hawlaha aan hayo.” Sidaa ayuu yidhi Xeer-ilaaliyaha guud ee Maraykanku.

Hogaamiyaha aqlabiyadda ee aqalka sare ee senetka, Mitch McConnell ayaa sheegay in Madaxweynaha looga baahan yahay in uu dhageysto hadalka xeer ilaaliyaha. “Haddii xeer ilaaliyaha uu yirahdo waxay saameneysaa qaabka uu u shaqeeyo, madaxweynaha waxaa looga baahan yahay in uu dhagesyto”,ayuu yidhi Hoggaamiyaha Aqlabiyadda ee Aqalka Sare.

Cadho xooggan, ayaa ka dhalatay hadal toddobaadkan kasoo yeeray waaxda cadaaladda ee Mareykanka, kaidb markii ay sheegtayy inay qorsheyneyso inay yareyso mudada xabsi ee dadka lagu xukumo, taas oo dad badan ay u arkeen inay tahay mid loogu daneynayo ninka ay saaxiibada yihiin madaxweyne Trump ee Stone.

Roger Stone ayaa la xukumay bishii Nofembar ee sanadkii lasoo dhaafay, kadib markii lagu helay in uu ku lug lahaa faragelinta la sheegay in Ruushka uu ku sameeyay doorashadii Mareykanka iyo in uu ka tallaabsaday sharciga Mareykanka.

Xeer-ilaalinta heer federal ee Maraykanka, ayaa markii hore soo jeedisay in Roger Stone lagu xukumo 7 ilaa iyo 9 sano, haseyeeshee soo jeedintaas ayaa waxaa markiiba kasoo horjeestay madaxweyne Donald Trump oo sheegay inay tahay wax lala yaabo oo caddaalad darro ah.

Waaxda cadaaladda ee Mareykanka ayaase ku gacan seyrtay soo jeedinta xeer ilaalinta federaalka, taas oo dhalisay su’aal ah in Mr Bar uu farageliyay cadaaladda isagoo ka duulaya hadalkii Trump.

Xeer-ilaaliyeyaasha soo jeediyay xukunka Stone, ayaa markii dambe iskaga tegay shaqada. Trump ayaa bogaadiyay tallaabada uu qaaday Wiliam Bar, balse Xeer-ilaaliye Bar, ayaa sheegay in marnaba madaxweyne Trump aanu weydiisanin in uu farageliyo kiiska Roger Stone. Hase-yeeshee, waxa uu ku dooday in sida uu Doanld Trump uga hadlo kiisaska yaala maxkamadaha ay caqabad ku tahay hawlihiisa shaqo.

“Ma waxaad kusii soconeysaa wixii adiga kula quman mise waad ka laabaneysaa adigo arkaya waxa u Trump ku qorayo Tweeter-ka? Waa midaas dhibka aan ku qabno waxyaabaha uu Trump ku qoro Tweeter-ka.” ayuu yidhi William Bar.

William, ayaa sidoo kale sheegay inaanay dhici doonin in ay saameyn ku yeeshaan Kongreska, madaxda warbaahinta iyo madaxweynuhu, waxaanu intaa ku daray in uu rejeynayo in Trump uu ixtiraami doono shaqadiisa.

Xeer-ilaaliye William Bar ayaa shaqadan loo magacaabay bishii Febraayo ee sanadkii hore, waxaana xilligaas loo arkayay inuu yahay Nin wax badan u sahli kara oo ay aad isugu dhaw yihiin madaxweyne Donald Trump.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.