Madaxweyne Farmaajo oo Markii u horreysay Somaliland Ka Raalligeliyey Dembiyo iyo Xumaan laga Galay

MADAXWEYNAHA SOMALIA MAXAMED CABDILLAAHI FARMAAJO OO SOMALILAND RAALLIGELIYEY 2020.jpg
MADAXWEYNAHA SOMALIA MAXAMED CABDILLAAHI FARMAAJO OO SOMALILAND RAALLIGELIYEY 2020.jpg

Muqdisho(aftahannews):- Madaxweynaha Federaalka Soomaaliay Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa markii ugu horreysay raalligelin buuxda siiyey Somaliland, isagoo ka raalligeliyey qaladaad iyo gefef lagula kacay wakhtigii midnimada Koonfur iyo Waqooyi iyo xilligii dowladdii Millateriga ahayd ee Soomaaliya dalka ka talinaysay.

MADAXWEYNAHA SOMALIA MAXAMED CABDILLAAHI FARMAAJO OO SOMALILAND RAALLIGELIYEY 2020.jpg
MADAXWEYNAHA SOMALIA MAXAMED CABDILLAAHI FARMAAJO OO SOMALILAND RAALLIGELIYEY 2020.jpg

 

 

 

 

 

 

 

 

Madaxweyne Farmaajo oo Khamiistii maanta ka hadlayay Shir-sannadeedka labaad ee Cadaaladda iyo Garsoorka Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, ayuu Farmaajo sheegay in isagoo madaxweynaha Qaranka ah dhibaatooyinkii loo geystay Dadka gobolladii Waqooyi ee Soomaaliya oo ah Somaliland hadda uu cudurdaar ka bixinayo.

“Waxaa loo baahan yahay garowsho iyo in wixii xumaa ee dhacay la iska cafiyo, wixii chapter(qeyb) madow ahaa oo taariikhdeenna galay inaan saxno. Macnaheedu waxay tahay, dhibkaas ka dhacay Waqooyi inaan cudur-daar ka sameyno, inaan raalligalin ka sameyno, dadkaas walaalaheenna ah intii dhimatay iyo intii dhaawacantay, aan niraahno taariikh xun bay ahayd, waa wax aan soo marnay.” Sidaa uu yidhi Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Farmaajo waxa uu intaas ku sii ladhay; “Runtii wixii halkaas ka dhacayna sababtii ka dambeysay ma ahayn Koonfur oo Waqooyi ku duushay, wax qabiil ku saleysanna ma ahayn, waxay ahayd system(nidaam) dowli ah oo markaas jiray.”

“Anigoo madaxweynihii Qaranka ah inaan cudurdaarkaas sameeyo oo raalligalintaas aan gaarsiino walaalaheen reer Waqooyi idinkuna aad ila qaadataan. Dhanka kale dadkii qoryaha watay ee dagaallamayay iyagana laftooda cudurdaar baa laga rabaa.” ayuu yidhi Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya.

Khudbadda dhinacyada badan taabanaysa ee uu Madaxweyne Farmaajo Shirkaa ka jeediyey ee uu arrimahaas iyo kuwo kaleba, kaga hadlay, waxaannu iyadoo dhammaystiran idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.