Madaxweynaha Somaliland oo Ka Qaybgalay Tartanka Caanaha Geela oo Ka Socda Duleedka Hargeysa

MADAXWEYNE BIIXI IYO NIN CARBEED OO HAL LISAYA 2020
MADAXWEYNE BIIXI IYO NIN CARBEED OO HAL LISAYA 2020

Hargeeysa(aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Khamiistii maanta kormeer ku tegay xarun loogu talo-galay in lagu tartan siiyo Geela ugu Caanaha badan Somaliland ee halkaas ku sugnaa, isagoo Madaxweynuhu Geelaas la lisayey wax ka maalay.

MADAXWEYNE BIIXI IYO NIN CARBEED OO HAL LISAYA 2020
MADAXWEYNE BIIXI IYO NIN CARBEED OO HAL LISAYA 2020

Tartankan Geela oo Galbeedka magaalada Hargeysa ka socda, ayaa la sheegay inay maalgeliyeen Xukuumadaha Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu, waxaana tartankaa lagu ku soo bixi doonta Hasha ugu Caanaha badan Geela la tartansiinaya, ta ugu Caanaha wanaagsan iyo ta ugu Caaneheedu ugu miisaanka bataan.

Maalmaha soo socda waxa lagu dhawaaqi doonaa miisaanka ugu badan ee Caanaha laga lisay Geela labada wakhti ee galabtii iyo subaxdii, iyadoo isla goobtaasi lagu miisaamayo Caanaha laga lisay Hal kasta oo halkaas ku sugan, waxaana loo kuurgeli doonaa wixii looga gudbi lahaa arrintaasi si loo helo kor u kaca miisaanka Caanaha laga liso Geela Somaliland.

Halkan hoose ka Daawo Muuqaalka Kormeerka Madaxweynaha ee Tartanka Geela:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.