Madaxweynihii hore ee Sudan Cumar Al-Bashiir oo loo Lagu Wareejinayo Maxkamadda Dembiyada Dunida ICG

CUMAR XASAN AL-BASHIIR HOGGAAMIYIHII HORE EE DALKA SUDAN
CUMAR XASAN AL-BASHIIR HOGGAAMIYIHII HORE EE DALKA SUDAN

Khartum(aftahannews):- Hogaamiyeyaasha hadda ka taliyo Suudaan waxay maxkamadda dambiyada caalamiga ah ku wareejinayaan madaxweynihii hore ee dalkaas Cumar Xasan Al Bashiir kaas oo lagu eedeeyay inuu galay dambiyo dagaal.

CUMAR XASAN AL-BASHIIR HOGGAAMIYIHII HORE EE DALKA SUDAN
CUMAR XASAN AL-BASHIIR HOGGAAMIYIHII HORE EE DALKA SUDAN

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Al-Bashir ayaa wajahayaa eedeymo la xiriira xasuuq iyo dambiyo dagaal, kuwaas oo dhacay markii uu socday dagaalkii gobolka Daarfuur sannadkii 2003-dii. Cumar Al Bashiir ayaa xilka laga tuuray bishii April ee sannadkii lasoo dhaafay. Wuxuu xilka kula wareegay inqilaab militari sannadkii 1989-kii.

Mr Bashir waxa uu dhashay sannadkii 1944, waxana uu ka dhashay qoys ka mid ah beeralayda waqooyiga Suudaan, oo markaas ka mid ahaa Boqortooyada Masaarida. Wuxuu xubin ka yahay Al-Bedairyya Al-Dahmashyya, oo ah qabiilka Bedouin.

Qabiilkan waa dad reer miyi ah oo daggan dhul badan oo saxaaraha carabta ah. Waxa uu ku biiray ciidankii Carbeed ee ka barbar dagaallamayay Masar, sannadkii 1973-dii. Inkastoo wax badan aanan laga ogeyn noolashiisa gaarka ah, haddana waxa jiro warar sheegaya in Cumar Al Bashiir uusan dhalin wax caruur ah.

Markii ay da’diisu gaartay 50 jir ayuu guursaday xaaskii labaad oo ahayd haweenay Carmal ahayd oo uu qabi jiray Ibraahim Shams Al-din oo loo arko geesi dagaal yahan ahaa, waxaan guurkaas uu ku dhiiri galinayay in la guursado dumarka garoobka ah ee ay geesiyaashu ka dhintaan.

Madaxwennaha Suudaan Omar AL-Bashir ayaa waqtisgiisa ku dhamaysatay dagaal, wuxuuna Suudan ku qabsaday afgembi militari sannadkii 1989-kii. Xukunkiisu wuxuu noqday ilaa sannadkii 2011 mid ka mid ah xukumada ugu adag Afrika.

Tan iyo markii uu la wareegay awoodda dalka Suudaan, wuxuu ku jiray muddo 21 sanno ah dagaal, kaas oo u dhaxeeyay waqooyiga iyo koonfurta dalkaasi.

Xigasho BBCSomali.com.