Godobta Riyo-raac iyo Gumarrada Mucaaridka? Faallo By: SCC. Kalshaale

CABDIRASHIID RIYO RAAC FAYSAL CALI WARAABE IYO CABDIRAXMAAN-CIRRO 2020
CABDIRASHIID RIYO RAAC FAYSAL CALI WARAABE IYO CABDIRAXMAAN-CIRRO 2020

Cabdirashiid Riyo-raac waa muwaadin xaq u leh oo bulshadda somaliland inta sharcigu u ogol yahay ula siman qabashada kursi maamul, mid siyaasaddeed iyo xil kale oo muhiima, in uu iminka kamid yahay guddida Doorashadana ma jiro qodob sharci oo u diidayaa.

Riyo-raac, Cirro iyo Eng. Faysal Ninba waa ku ayaan…

waa xaqiiqo jirta oo aan la dafiri karin, in uu ahaa siyaasi sanaddo ka hor u kala guuray laba xisbi qaran oo ku tartamay Doorashadii Madaxtooyada 2017, sidoo kalena kamid ahaa Golihii Wasiirrada ee Xukuumaddii Axmed Siilaanyo oo uu magacaabistii xilkaasi kaga mid noqday golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, markii dambena kaga baxay golahaasi bananayntii xilka Wasiirnimada.

xilka wasiirnimo intaan loo magacaabay wuxuu ahaa qof caadiya oo madaxbanaan oo aan ka tirsanayn Kulmiye, kana baxay xisbiga WADDANI, xilka markii uu ka tegay laguma arrag fagaareyaasha siyaasadda isaga oo taageeraya Xisbiga talada haya ama astaantiisa huwan ee wuxuu kamid noqday bulshada caadiga ah.

Hase yeeshee markii uu madaxweyne Muuse u magacaabay xubin kamida guddida Doorashada, waxa ay labada xisbi mucaarid ku eeddeeyeen in uu ka tirsan yahay Xisbiga Kulmiye, waxaanay warbaahinta iyo baraha bulshadaba ku faafiyeen sawirro iyo muuqaalo laga qabtay wakhtigii uu Wasiirka ahaa, arrintaasoo ilaa iminka ah caddeynta qudha ee ay soo bandhigeen ee ay ku ladheen cabashada ka dhanka ah Ninkaasi.

Xeerka Doorashada Madaxtooyada iyo Goleyaasha deegaanka ee Xeer Lr20/2001, qodobkiisa 12aad oo ka hadlaya shuruudaha guddida doorashada lagu xulanayo, farqadiisa 5aad oo ku taxaluqda ka madaxbanaanida dhinacyada siyaasadda ee qofka kamid noqonaya Guddida Doorashadu , waxa uu dhigayaa sidan: “Waa inaanu ka mid ahayn urur/xisbi siyaasadeed, kana madax banaan yahay.yahay qofka noqonaya xubin Komishan”.

qodobkan oo ah ka ay ku cuskadeen Mucaaridku xubinnimada Riyo-raac, kuna eeddaynayaan Madaxweynuhu in uu jebiyey, xaq bay u leeyihiin in ay ku dacweeyaan inta ay la gaadho, cidda soo magacowdayna xaq bay u leedahay in ay difaacdo intay difaaci karto.

Laakiinse yey tahay in ay xaqiijiso oo joojiso haddii uu kamid yahay Xisbi mucaarid iyo muxaafid kuu doono ha noqdee?

Hay’adda ka garsooraysa ee awoodda u leh diidmada iyo aqbalaada xubnaha guddida Doorashadu waa Golaha Wakiillada oo isla xeerkaasi qodobkiisa 11aad, farqadiisa 3aad awood u siinayo guddidiisa arrimaha gudaha in ay qiimeyn iyo hubin ku sameeyaan xubnaha guddida doorashada ka hor intaanay horkeenin gole-weynaha oo qof qof u ansixinaya xubnaha.

Komishaneerka Cabdirashiid Riyo-raac, Labadan qodob sharci ee khuseeya dhismaha guddida Doorashada, sida la ogyahay wuu maray oo laguma hakin, waxaanay golaha Wakiillada ee celinta haddii uu xisbi ka tirsan yahay shaqadooda ahayd ku ansixiyeen cod aqlabiyada, iyadoo aanay jirin inta la ogyahay wax culays iyo faro-gelin ah oo kaga timi dhinacyada ku hirdamayey kamid noqoshadiisa guddida Doorashada,wallow ay dhici karto inay jireen hoos-ka-tuurmooyin aan dhinaca mucaaridka guuli ka raacin oo ku soo afjarmay ansixintii lixda xubnood ee guddida.

Diidmo iyo yeelmaba, ansixinta golaha Wakiillada iyo Dhaarinta maxkamadda sare, ayaa sharci ka dhigay xubinimadiisa guddida Doorashada, wixii ka soo noqdaana waa go’aan isaga ku xidhan wuxuu ka yeellayo kursiga uu ku fadhiyo iyo masuuliyadda uu hayo.

Sidaasoo ay tahay, si kastaba haku timaadee, arrinta Cabdirashiid Riyo-raac intii ay dooddeedu socotay ee aan waliba golaha Wakiilladu ansixin, Maxkamadduna dhaarin, isla markaana aanay xilka la wareegin guddidiisu, una dooran xilka Guddoomiyaha Guddida Doorashada Qaranka, waxa ay yeellatay waji kale oo ka baxsan xayndaabka sharciga iyo yooyootanka Xisbiyada iyo madaxweynaha, taasoo ah qadiyad siyaasaddeed oo hogaanka dhaqanka ee Deegaanka uu ka soo jeedaa diidmada mucaaridka ugu goodi-dardaar wariyeen.

Qadiyaddaas oo ahayd mid qabbali ah oo lagu sidkay dannaha siyaasiga ah ee ma-huraanka u ah loollanka Doorashooyinka, waxa ka dhashay hal-xidhaale hubsiimo la’aanta xisbiyada mucaaridku sabab u noqotay in uu sii waaro huwan-siyaasddeedkii guusha u haanneeday madaxweyne Muuse, waxaanu hunguri jab ku keenay isu-soo-hilowgii humaaga ku shiday gaashaan-buurta Kulmiye ee saan-saantiisa laga cabiray Shir-dhaqameedkii gogol-xaadhkiisu ka hilaacay magaalada Burco wakhti ku beegan bishii June ee sanadkii la soo dhaafay ee 2019-ka.

Shirkaas oo laga dareen qabay inuu bulshada ku dhaqan deegaamada Bariga Burco ku abuuro hiyi-kac siyaasaddeed oo ka dhasha hilaac uga bax labada Xisbi mucaarid, gaar ahaan WADDANI oo ay safkiisa hore ka muuqdaan rag miisaan lagu tuhmayoo ka soo jeedaa, shaki kuma jiro inuu guullaamo ku kiciyey Xukuumadda iyo xisbiga kulmiye oo ay wiiqan siyaasi ah ku tahay luminta taageerayaashaasi.

Hase yeeshee, xukuumadda iyo xisbigeedu iyaga oo aan si mugle u waajihin xakameynta qorshe kasta oo ay xisbiyada mucaaridku ku kasbanayaan ama ku soo jiidan karaan taageerayaasha Kulmiye, waxa u howl-fududeeyey Xisbiyada WADDANI iyo UCID markii ay Kaadh gudduudan kala horyimaadeen Eng. Cabdirashiid Riyo-raac oo uu sida la ogyahay Madaxweyne Muuse Biixi magacaabay, kuwaasoo iyagoo aan qiimeyn saameynta taban ee kaga iman karta talaabadaasi iyo duruufaha xilligan ku gedaaman miidaanka siyaasadda diidmo qayaxan kala horyimi ninkaas, sidoo kalena madaxdhaqameedyo iyo dad ku tirsan taageerayaashooda ah ku abaabulay in ay ka hadlaan oo dhaleeceeyaan magacaabista Riyo-raac iyo Haweenayda laga soo celiyey guddidii hore.

Waxaana sida dhawaaqeedu hore u baxay, dhibcaheeduna iman doonaan xisbiyada mucaaridku daadifaynta Riyo-raac waxa ay ilaa hadda natiijo ka hayaan, saddex qodob oo aan wax faa’iido ahi ugu jirin.

qodobadaasoo kala ah in ay lumiyaan taageero shacbi oo ay ka heli lahaayeen Bariga Burco, in ay godob shakhsi ah ka galeen muwaadin loo magacaabay mansab qaran oo loogu siman yahay sharciga iyo in ay wakhti kale lugta sii hayaan geedi-socodka howlaha Doorashooyinka.

Waxaana hubaal ah in dareenka ay Beesha Cabdirashiid Riyo-raac kaga jawaabeen dagaalka labada xisbi mucaarid la galeen xubinnimadiisa guddida Doorashooyinku si cad u muujiyey godob siyaasaddeed iyo gumarro aanay mahadin doonin WADDANI iyo UCID, taasoo haddii uu xilka ka tago iyo haddii uu sii jooggaba meel ugu qoran taageerayaashiisa, isla markaana u suntannaan doonta.

Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)
Tafaftiraha Gobanimonews
Hargeysa Somaliland
Email: editor@gobanimonews.com