Home » Archives by category » Wararka (Page 1092)

Al-Shabaab oo iska fogeysay inay ka danbeysay dil loo gaystay 8-Oday dhaqameed

Comments Off on Al-Shabaab oo iska fogeysay inay ka danbeysay dil loo gaystay 8-Oday dhaqameed

Muqdisho(Aftahan News) Ururka Al-shabaab oo lugu tuhmayey inay ka danbeeyen dilkii ka dhacay ee somaliya oo loogu dilay gobalka Baay Odayaal kasoo tagay magaalada Baydhabo, kuna soo socday Shabeellaha hoose iyo magaalada Muqdisho,ayaa xilligaan sheegay inaysan iyagu wax lug ah ku lahayeen dilkaas. Sarkaal ka tirsan Al-shabaab ayaa warbaahinta afkooda ku hadasha waxaa uu u […]

Continue reading …

Guddoomiyaha Guurtida oo Talo ka dhiibtay Abaabulka Ciidan ee Somaliland iyo Puntland

Comments Off on Guddoomiyaha Guurtida oo Talo ka dhiibtay Abaabulka Ciidan ee Somaliland iyo Puntland

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay hanjabaadaha iyo is-abaabulka dagaal ee maalmihii u dambeeyey u dhexeeyey Somaliland iyo Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, waxaanu labada dhinacba u soo jeediyey talo ah inaan lagu degdegin dagaal iyo colaad in la abuuro. Guddoomiye Saleebaan waxa uu soo jeediyey in degganaanshaha la dhawro, isla […]

Continue reading …

“Haddii uu Somaliland soo faro-geliyo, isagoo Maxbuus ah ayaannu Garoowe ka soo qaban..” Xil. Indho-indho

Comments Off on “Haddii uu Somaliland soo faro-geliyo, isagoo Maxbuus ah ayaannu Garoowe ka soo qaban..” Xil. Indho-indho

Hargeysa(AftahanNews):- Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xassan (Indho-indho) oo ka mid Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa digniin adag u diray Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, isla markaana waxa uu sheegay haddii uu soo faro-geliyo deegaannada Somaliland inay magaalada Garoowe ka soo qaban doonaan isagoo Maxbuus ah sida uu hadalka u dhigay Xildhibaanku. Xildhibaan Indha-indho oo maanta Warbaahinta […]

Continue reading …

Malaysia oo sheegtay in la helay Burburka diyaaraddii la waayey iyo Rakaabkii oo aan qof lahayn

Comments Off on Malaysia oo sheegtay in la helay Burburka diyaaraddii la waayey iyo Rakaabkii oo aan qof lahayn

Kuala Lumpur(Aftahannews):- Dowladda Malaysia ayaa sheegtey in xogta satellite-yadu ay muujinayaan in diyaaraddeedii Rakaabka siddey ee la la laa ku burburtey Koonfuurta Badweynta Hindia. Raiisal-wasaaraha Malaysia Najib Razak, ayaa sheegey in xogta la heley ee daraasadda lagu sameeyey ay soo uruurisey shirkad laga leeyahay Britain. Xogtaasi ayaa muujineysa, in diyaaradii shirkadda Diyaaradaha Malaysian Airlines ee […]

Continue reading …

Masar: Maxkamad Dil ku Xukuntay 529 Qof oo ka tirsan Taageerayaashii Maxamed Mursi

Comments Off on Masar: Maxkamad Dil ku Xukuntay 529 Qof oo ka tirsan Taageerayaashii Maxamed Mursi

Qaahira(Aftahannews):- Maxkamad ku taalla Masar ayaa dil ku xukuntay 529 ruux oo taageersan Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Masar Maxamad Mursi. Dadkan ayaa la sheegayaa inay ka tirsan yihin ururka dalka Masar laga mamnuucay ee Ikhwaanul Muslimiinka. Waxaa loo soo jeediyay eedeymo ay ku jiraan inay wax dileen. Mas’uuliyinta Masar ayaa olole ku qaaday ururka […]

Continue reading …

Reer Baydhabo oo maalintii labaad ku muddaharaaday Shariif Xasan Sheekh Aadan: Daawo

Comments Off on Reer Baydhabo oo maalintii labaad ku muddaharaaday Shariif Xasan Sheekh Aadan: Daawo

Baydhabo(Aftahannews):- Muddaaharaadyo lagaga soo horjeedo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankii ku-meel-gaadhka ahaa ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay. Muddaaharaadayaasha ayaa sheegay inaysan doonayn in xildhibaan Shariif Xasna uu sii joogo Baydhabo, waxayna qaarkood oo warbaahinta la hadlay sheegeen inay ku boorrinayaan madaxda dowladda inay xildhibaanka […]

Continue reading …

Madaxweynaha Somaliland oo Guddi u magacaabay Xidhiidhka Ingiriiska iyo Itoobiya, maxaase iska beddelay?

Comments Off on Madaxweynaha Somaliland oo Guddi u magacaabay Xidhiidhka Ingiriiska iyo Itoobiya, maxaase iska beddelay?

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweyne Siilaanyo Guddi Afar Wasiir ah oo uu isagu Guddoomiye u yahay u magacaabay xoojinta xidhiidhka ay Somaliland la leedahay dalalka Ingiriiska iyo Itoobiya. Sidoo kale, waxa uu Wasiir Biixi ka hadlay Warbixin Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu horgeeyey Ergayga u […]

Continue reading …

Soomaaliya & AMISOM oo Al-Shabaab ka qabsaday deegaanno ka tirsan Gobolka Galguduud

Comments Off on Soomaaliya & AMISOM oo Al-Shabaab ka qabsaday deegaanno ka tirsan Gobolka Galguduud

Ceel-buur(Aftahannews):- Ciidamada dowladda Soomaaliya kuwa Itoobiya ee ka tirsan Ciidanka Midawga Afrika (AMISOM) ka jooga Soomaaliya, ayaa deegaanno ka tirsan gobolka Gal-guduud oo ay Al-Shabaab ka telinaysay la wareegay saacadihii ugu danbeeyay, kuwaasoo hoostaga degmada Ceelbuur oo gobolkaas ka tirsan. Ciidammada is-baheystay oo labadii cisho la soo dhaafay dhaq-dhaqaaqyo Millateri iyo howlgal ka dhan ah […]

Continue reading …

Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyey Miisaaniyadda 2014-ka, dilka Odayaashana cambaareeyey

Comments Off on Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyey Miisaaniyadda 2014-ka, dilka Odayaashana cambaareeyey

Muqdisho(Aftahannews):- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa maanta kulan ay yeesheen ku ansixiyey Oddoroska Miisaaniyad-sannadeedka dawladda dhexe ee Soomaaliya ku shaqayn doonto sannadkan aynu ku jirno ee 2014 illaa inta laga gaadhayo 2015-ka. Kulanka ay maanta isugu yimaaddeen Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Raysal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed, waxaa sidoo […]

Continue reading …

Ujeeddada Safar Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wefti uu hoggaaminayaa ku tegeen dalka Kuite

Comments Off on Ujeeddada Safar Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wefti uu hoggaaminayaa ku tegeen dalka Kuite

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, iyagoo socdaal shaqo ugu baxay waddanka Kuite oo ay kaga qaybgeli doonaan Shir-Madaxeedka Waddamada Jaamacadda Carabta. Madaxweynaha Soomaaliya iyo Weftigiisa, ayaa ujeeddada socdaalkooda dalka Kuite ay ugu kicitimeen ku sheegay inay halkaas kaga qaybgeli […]

Continue reading …