Home » Entries posted by Aftahan News
Entries posted by Aftahan News
i am one of the Editorso of Aftahannews.com, may Name Abdifatah Isma'il Mursal. Hamse will bee one of the Repoters and Editors of aftahannews.com

Akhriso: Warbixin gudida joogtada ah ee golaha Wakiilada Somaliland ka soo saareen muranka Wasaarada Waxbarashada iyo Dugsiyada gaarka ah

Golaha Wakiilada Jsl oo Soo Bandhigay Qodobada Khilaafsan Xeerka Siyaasada Guud Ee Waxbarashada Ee Ku Jira Xeernidaamiyaha Iyo Talada Ay Usoo Jeediyay Wasiirka Wasaarada Waxbarashada! Hargeysa (Aftahannews)- Gudida Joogtada iyo Anshaxa ee golaha Wakiilada Somaliland  ayaa mudanayaasha golaha warbixin ka siiyay halka uu salka ku hayo khilaafka u dhexeeya Dugsiyada gaarka ah iyo Wasaarada Waxbarashada, […]

Somaliland oo u digtay beesha Caalamka

Comments Off on Somaliland oo u digtay beesha Caalamka

Hargeysa (Aftahannews)- Wasiirka wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo goor dhawayd shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa waxaa uu digniin culus u diray beesha Caalamka. Wasiirka ayaa waxa uu Beesha Caalamka uga digay khataraha ka dhalan kara Hub ay Soomaaliya ka soo qaadato qaar ka mid ah wadamada Caalamka. Wuxuu sheegay […]

Continue reading …

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Wasiirro cusub

Comments Off on Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Wasiirro cusub

Garoowe (Aftahannews) – Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay Wasiiru-dowlayaal iyo Wasiir ku-xigeenno. sida lagu sheegay Qoraalka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha, kaas oo u dhignaa sidan:- Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80aad farqadiisa 5aad. Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Puntland oo aqoon, […]

Continue reading …

Uhuru Kenya oo sheegay in dalkiisu Shidaalka qaydhin ka dhoofin doono dekeda Lamu

Comments Off on Uhuru Kenya oo sheegay in dalkiisu Shidaalka qaydhin ka dhoofin doono dekeda Lamu

Mombasa (Aftahannews) – Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Kenya ay u isticmaali doonto dekeda Lamu inay ka dhoofiso shidaalka gobolka Turkana, inkastoo uu hore u sheegay in dawaddiisu ay samayn doonto qorshayaal lagu dhisayo kaabayaasha shidaalku u baahan yahay iyo Warshad sifaysa shidaalka. Hase yeeshee Madaxweynaha dalka Kenya ayaa wakhti xaadirkan sheegay […]

Continue reading …

Dooni ay wateen ciidammada Soomaaliya oo degtay

Comments Off on Dooni ay wateen ciidammada Soomaaliya oo degtay

Marka (Aftahannews) – Ciidammo ka mid ah kuwa Dawladda Soomaaliya ayaa Dooni kula degtay inta u dhaxaysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Marka ee Shabeellaha Hoose. Askartan oo la sheegay ay ka tirsanaayeen qaybta 14 October oo ka tagay magaalada Muqdisho ayaa doonayay in ay Doon ku gaadhaan magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose, laakiin intii ayna […]

Continue reading …

Dibed-baxyo ka dhacay magaalooyinka Kismaayo iyo Garoowe (SAWIRRO)

Comments Off on Dibed-baxyo ka dhacay magaalooyinka Kismaayo iyo Garoowe (SAWIRRO)

Garoowe (Aftahannews)- Wararka naga soo gaadhaya magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo ayaa sheegaya in halkaa ay ka dhaceen dibadbaxyo lagaga soo horjeedo dilal xalay siyaabo kala duwan uga dhacay labada magaalo. Dadka dibadbaxa ka dhacay magaalada Garoowe ayaa la sheegay in ay ka soo horjeedaan dil Askar ka tirsan ciidamada Puntland uu xalay qof shacab ah […]

Continue reading …

Maayirka Hargeysa oo farriin u diray Shaqaalaha Ajaanibka ah ee caasimadda ka xoogsada

Comments Off on Maayirka Hargeysa oo farriin u diray Shaqaalaha Ajaanibka ah ee caasimadda ka xoogsada

Hargeysa (Aftahannews) – Maayarka Magaalada Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) ayaa sheegay in Tallaabo laga qaadi doono Dadka Ajaajibka ah ee Sharci la’aanta kaga shaqeeya Meheradaha ku yaalla Magaalada Hargeysa. Maayarka oo Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay in iyagoo fulinaya Amarka Wasaaradda Shaqo-gelinta ee Arrimaha Bulshada ay tallaabo ka qaadi doonaan Shaqaalaha ajaanibka […]

Continue reading …

Ujeedka socdaal Madaxweyne Farmaajo ugu baxay dalka Ruushka

Comments Off on Ujeedka socdaal Madaxweyne Farmaajo ugu baxay dalka Ruushka

Muqdisho (Aftahannews) – Madaxweynaha  Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Ruushka oo ay kaga qayb galayaan Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika. Shirweynaha oo socon doona muddada u dhexaysa 23-ka ilaa 24-ka bishan ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay madashan, Ururka Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxaa ay kaga arrinsan doonaan […]

Continue reading …

Dooni badeecad u sidday Boosaaso oo degtay

Comments Off on Dooni badeecad u sidday Boosaaso oo degtay

Boosaaso (Aftahannews)- Doon u soo socotay magaalada Boosaaso oo rar kasoo qadaday deked ku taalla dalka Cummaan ayaa la sheegay inay ku degtay xeebaha badweynta Hindiya. Doontan oo laga lahaa dalka India ayaa lagu magacaabay Cabdikariin, waxaana makhribnimadii shalay ay ku degtay meel u dhow dekedda Salala ee dalka Cuman. Shaqaalihii doonta saarna oo tiradooda […]

Continue reading …

Maraykanka oo cunaqabatayn ku soo rogay Turkiga

Comments Off on Maraykanka oo cunaqabatayn ku soo rogay Turkiga

Washington (Aftahannews) – Dawlada Maraykanka ayaa cunaqabatayn ku soo rogtay dalka Turkiga kadib markii Turkigu uu weerar ku qaaday Maleeshiyaadka Kurdishka ah ee dalka Suuriya. Cunaqabatayntan ayaa saamayn doonta Wasiiro iyo xubno sarsare oo ka tirsan dalka Turkiga, waxaanay arintani jawaab u noqon doontaa weerarka dalka Turkigu uu ku qaaday Suuriya. Madaxweynaha dalka Maraykanka President […]

Continue reading …
Page 1 of 314123Next ›Last »